Qisadii dhul u tura Q:21aad

Sunday, November 5, 2017       Views
Spread the love

 

Marka ay afkiisa ka soo baxday wax i fahansii waxaa markiiba hortayda yimid riyadii aan ku riyooday ee ahayd anigoo dhintay oo la i kanfay oo godka iilka la i dhigay aad buu wadnahaygu u shaqeeyey waayo waxaa go’aan ii ah inaan sun cabo hadii Kaafi idiido intaan runta u sheego, afkaa i qalalay calooshaa isku kay daadatay luguhuna way i qaboobeen.
Kaafi baa markaa igu yidhi maxaad la aamustay? anigu xiligaa waxaanba ku maqanahay meeshaan sunta ka iibsan lahaa iyo nooceeda ileen hada cidna ima raacdee, waxaana ku baraarugay su’aashiisa markaas ayaan ku idhi ka waran hadaan dhibkayga kula wadaago oo intaad ogaato aad igu gacan saysho dadkana aad xogtayda la wadaagto oo aad sababto geeridayda?
Kaafi: waa gartaa oo waxaan kuu qiyaasnayn jacaylka aan kuu qabo intuu la egyahay iska daa wax kalee hadii la i yidhaahdo Sallin iska daa bari ayey dhimanaysaaye waxaa iga go’an inaan caawa nolosha kula wadaago hadaadan adigu i diidin.
Mar kale ayaan su’aashii ku celiyey oon ku idhi diyaar miyaad u tahay wax kasta oon ahay inaad igu qaadato taas ma balan qaadaysaa?
Kaafi: Sallin waad ciyaaraysaa horaa loo yidhi Jiirna waa ka naf Bisadna waa ka ciyaar waa ballan taas diyaarna waan u ahay 6da laxaad hadaad beesho inaan nolosha kula wadaago.
Anigoo aad u gariiraya ayaan ku idhi si fiican ii dhagayso marka waxaana u bilaabay sheekadayda ilaa bil jirkaykaygii ilaa markii dhibku igu dhacay markaan kufsigii igu dhacay 24 jully 1997 afkayga ka dhamaaday ayuu jawigaygu is badalay intii aan sheekada u waday oo dhan ma ogayn Kaafi xaaladiisa iyo xataa waxyaabaha igu xeeran, markaan intaa dhameeyey ayaan arkay Kaafi oo oohin fiqdii gabay, si hor leh baan u naxay oon is idhi bas wuxuu la ooyayo wuu kaa quustay.
Anigoo qandhaysan oo tabcaan ah madaxana dab iga baxayo oo sugaya sorry huuno sidaa ma moodaynin ee raali iga noqo ayaan cod aad u hooseeya ku idhi maxaa kugu dhacay walaal Kaafi? Dhagaha xataa wax saasa kama maqlo, markaasuu yidhi Sallin walaal aad baan uga xumahay, intaa markay afkiisa ka soo naxday qalbigaa xoog ii dilaacay waana dhici gaadhay oo indhahaa i madoobaaday, isagoo hadalkii sii wata ayuu yidhi, dhibaatada ku gaadhay waan mid gabdhaheena in badan oo ka mida gaadhay, laakiin ma aha wax jacaylkayga hor istaagi karta hadaadan adigu idiidanayn agtayda wax licib saqiira ayey ka tahay hadaad dhaqtar u baahantahayna waxaan diyaar u ahay inaan ku dawaysto oo aan ku guursado.
Aduunka maalintii iigu farxadda badnayd intaan noolaa bay ahayd, bahal ilin ah oo kulul iyo dhidid waawayn baa iga soo daatay, hadaan awoodo maalinkaas waan duuli lahaa waxaa i qabatay inaan laabta ku qabto laakiin ma awoodi karin, tiro aad u fara badan baan shukri ilaahay u celiyey, Kaafi wuu i sasabayey laakiin wuxuu lahaa ma maqlaynin.
Goor danbe ayaan ku baraarugay isagoo i leh maad ila hadashid, intaan fiiriyey baan ku idhi maxaan ku dhahaa?.
Kaafi: raali ma ku tahay inaan ku dawaysto oon ku guursado, waan haystaa wax aan kugu daweeyo iyo waliba waxaan kugu guursan lahaa iyo waxaan ku xilbixi lahaaba waxaana balan kaaga qaadayaa hadii aad ogolaato inaan kuu dhigo aroos aan qof qayrlaa ah loo dhogine.
Waxaan si farxadi ku dheehantahay ku idhi Kaafi dhaqtar uma baahni waana caafimaad qabaa kaliya gabadhnimadaydii ayaa maqan diyaarna waan u ahay guurkaaga ee bal aan hooyo la soo wadaago oon u sheego xaaladdeena.
Kaafi: waayahay gacaliso waa khayr xilligaad diyaar noqoto ayaan ku sugayaa aniga noloshaada ayaa muhiim ii ah gabadhnimada iyo waxaad sheegayso agtayda waxba kama aha, waqtiga dukaanka la xidhayo saacad iyo badh baa ka hadhsan noloshaydiina waa maalintii iigu horaysay ee laygu dhaho gacaliso kalmaddaasna wax iiga macaanayd ma arkin.
Waxaan iska galay sheekooyin jacayl ereyaduna wayba iska soo bateen macaanto xabiibtii iyo kuwo kale oo aana hore nasiib ugu yeelan baan helay maalinkaas, wajiga kaafi maalinkaas wuu ii nuurayey mana ahayn mid aan daawashadiisa ka dhergayey kolbana ishaan ku xadayey waqtigiiba wuxuu igu noqday daqiiqad iyo badh durba wuu dhamaaday, dukaankiina sidaas buu ku xidhmay.
Waxaan u dhaqaaqay xagga guriga aad baan u jeclaa inuu i raaco laakiin iska joogtaydii hore ayaa ku qufulayd oo wuu cabsaday ana waan ka xishooday inaan iraac dhaho.
Gurigii markaan tagay ayaan sidaan u socday hooyo hor fadhiistay oo aan la wadaagay waxa kaafi na dhex maray, hooyana laabta intay igu qabatay ayey tidhi waa maanta maalinkaan sugayey hooyo ilaahay baa mahad leh oo calafkaaga igu simay ilaahayna wuu i tusi karaa inaan ku guri geeyo iyo inaan awlaad aad dhashay arko.
Anigoo aad u faraxsan baan qolkaygii aaday caawa cunto ma cuni karo farxad darteed dhaaxaan murugo wax la cuni waayee.
Laakiin waxaanba ka baqayaa inuu iga dhinto ama qalalaase kale dhaco ileen qumayaan ahaye, waxaan bilaabay inaan ku noqnoqdo oon aqristo warqadihiisii oo aan caawa si wayn u gudoomo hadiyadihiisii oon warqadaha laabtayda saaro alla noloshani macaanaa toloow hoormuu i mehersan doonaa, aroos see ah baa la ii dhigi doonaa, aqlakaan ku aroos gali doono xagee ku yaalaa, waxaanba dhex jibaaxayaa jid iyo mawjado doog leh anoon marna indhaha isku qanan baa salaadii subax lagu aadaamay.
Salaaddii subax markii la aadaamay ayaan soo baxay oon waysaystay oona tukaday waxaana ku darsaday 2 ragco oo salaatul shukri ah kadibna waan laama dooday, anigoon wax yar jiifin ayaan maqlay qaylo iyo oohin iyo hooyaday codkeeda ooy leedahay ala hooyo, calooshaa isku kay dhacday toloow ma Kaafi baa dhintay? Anigoo caguhu mayd i yihiin baan soo baxay oo aaminsan qumayonimadayda inuu wax uun dhacay, markaan soo baxay baan arkay hooyaday oo nin ku duuban hadaan sii fiiriyey waaba naftii hurihii walaalkay ahaa oo fasax ku yimid, bal qiyaasoo maxa dhacay markaa?.
Halkaa ha inoo joogto.FB_IMG_1508145823420

 

154 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]