Qisadii Dhul u tura Q:22aad

Monday, November 6, 2017       Views
Spread the love

Markaan arkay hooyaday iyo walaalkeey oo isku duuban ayaan soo orday oo aan damcay inay hooyo ii sii dayso oo aan laabta si fiican ugu qabsado oo aan ka dhargo, laakiin hooyo iyadaaba ka dhargi wayday meel alla meel aan ka maro ayaan waayey, markaasaan iyagoo isku duuban dusha ka wada fulay guriga waxaad moodaysay inay tacsi ka dhacday oohinta iyo sawaxanka naga baxaya, hooyo xoog ban kaga fujistay, markaasaan intaan shafka ka buuxsaday Malaha konton jeer wajigiisa dhunkaday.
Walaalkeey aad ban u jeclahay waxaana iigu danbaysay waqti aad u fog on murugo iyo ciil badan ku jiray, wan quraacanay quraac dhadhankeeda waligeey intan ifka ku noolaa aana cunin oo canjeero saliid cadeey iyo shaah ka kooban, alla hada noloshu sii macaanaa, waxba hurdo ma jirtee waxaan u qalab qaatay in an dukaanka furo manta hooyana waxaan u sheegay inay wiilkeeda iskala sheekaysato manta ooy cid qadada iigu soo dhiibto sidas ayaan dukaankii ku furay.
Manta koley Kaafi iskuul buu jiraa wuxuuna ka soo bixi doonaa duhurkii laakiin ma sugi karoo waxaan u hayaa 2 farxadood midi waa hooyo oo soo dhawaysay inaan nolosha la wadaago Kaafi mid kalana waa walaalkeey imaatinkiisa, waxaan sugaba duhurkii hortiisa ayaan waxaa ii timid gabadh saaxiibaday ah oo qado la iigu soo dhiibay ,Markaan aniga iyo iyadu wada qadaynay ayuu Kaafi iskeena soo dultaagay oo nagu yidhi ASC, wadajir ayaan uga wada qaadnay WSWRWB, kadibna kursigiisii ayuu iska fadhiistay, gabadhii ayaa nagu daahday xoogaa intaasna waxaan wajigiisa u daawanayey sida ubaxa rosska ah loo daawado ama meelaha dalxiiska loo tago wax igala qurux badana aduunka aana ku arag oo runtii si aana idinla wadaagi karin iial nuurayey gabadhii qadada ii keentay ayaan karhay on qalbiga ka xantay war doqontan yaa ku dhaafiya, sheekooyin caadi ah ban iska wadanay run ahaantiina maalinkaas aad baan u qoslayey kalmadii la dhahaba wan ku qoslayey.
Gabadhii way naga tagtay Markaan isu soo hadhnay ani iyo Kaafi ayuu Kaafi igu yidhi Sallin maanta aad baad u qurux badantahay una faraxsantahay, intaan qoslay baan ku idhi waxaas iska daayoo maanta waxaan kuu hayaa 2 farxadood oo waawayn walaalkeey macaane, ogoow waxaan jeclahay inaan Kaafi dhaho gacaliye iyo macaane laakiin waan ka cabsanayaa oo waxaan ugu dhexqariyaa walaalnimada Mar waxaan dhahaba huuno gacaliliye marna walaalkeey macaane.
Kaafi intuu si aan jeclahay iigu soo dhawaaday oo wajigiisa wajigayga ku soo dhaweeyey ilaa aan is idhi bishimaha ayuuba bishimaha kuu saari Rabaa igu yidhi walaahi gacaliso ii sheeg.
Markaas ayaan ku idhi maya waan kaa iibsanayaa anigoo kaftamaya, markaasuu igu yidhi sheego wax kastood doonto, markaasaan ku idhi naftaada iga siiso, kaafi baa Markaas igu yidhi naftayda waan kuu hibeeyee xabiibti ii sheeg, waxaana ugu jawaabay ka fiirso hadaad ii hibayso aduunka intaad ku nooshahay ma jiri doono qof ila qabsado.
Kaafi wuxuu iigu jawaabay aduunka hadaan adiga ku heelo dumar waan ka kaaftoomay umana baahni ee macaanto ii sheeg warka farxadda leh eed ii hayso.
Waxaan u hormariyey imaatinka walaalkeey on usheegay inuu saaka timid, kaafi intuu gacantayda qabtay oo uu gacantiisa kale sii dulsaaray buu igu yidhi gacaliso mabruuk calayk intaas dhan xagee lagu hayey.
Markaasaan ku idhi war kii la la’aa ma aha waa kii naftii huraha ahaa, markaasuu yidhi haaaaa goormaad is keen bar doontaa,waxaana u sheegay Mar dhaw inaan is bari doono.
Waxaana hore u sii galaxy qodobkii 2aad oo markaan u sheegay uu aad u farxadda waxaana ku idhi faradda 2aad hooyo ayaa soo dhawaysay inaan nolosha wadaagno taasoo uu si fudud intuu u booday igu yidhi wwwww Sallin waad iga farxisay maxaan maanta ku siiyaa, waxaan ku idhi wixii kuugu qaalisanaa waad isiisaye oo naftaada ayaad ii hibaysaye fadhiiso.
Markuu fadhiistay ayaan ku wargaliyey in maanta wixii laga bilaabo ay isaga ku xidhantahay xiliga iyo meesha guurkeenu ka dhici doono, taasoo lama filaan ku noqotay waxaana ka soo daadatay limo intuu ii soo dhawaaday buu igu yidhi walaahi dheh ma runtaa baa? Waxaana ku idhi Haa walaahi waa runtay, wuxuu igu soo celiyey xataa hadaan dhaho wiigan, inaan aad u farxay oon qoslay ayaan ugu jawaabay xataa caawa dareenkayga cidna kama sheekaysato karto.
Waxaan hore u galay inaan qorshayno guurkeenu iyo xiliga uu dhacayo waxaana isku af garanay inuu mud 30 bari gudahood ku dhaco guurkeenu isl wiiggana uu ii keeno lacag aan shopping ku soo samaysto Nairobi oo kun doolar ah.
Aqalkii markaan ku noqday ayaan hooyo si hoose ugu sheegay go’aankeena iyo inuu kaafi damacsanyahay inaan 30 bari gudahood ku aqal galno, hooyo waxy ii sheegay in walaalkeey uu Malaysia joogi doono mud 3 bilood ah arinkaana ay fiicanyahay in la dadajiyo intuu joogo waxaana kale ooy igu dhiiri galisay inaan walaalkeey anigu u sheego guurkayga taasoo ka diidday maxaa yeelay aristaas way igu adagtahay, waxaan kale oon hooyaday la wadaagay in wiigan uu kaafi lacag ii keeno ay tahay inaan shopping u doonto Nairobi taasna igu maya khilaafin hooyo.
Subixii Danbe ayaan aroortii aaday saaxiibaday aamina iyo faaduma oon labadaba isu aqal dhawayn waxaana u sheegay inaan bishan guursan rabo ooy tahay todobaadkan soo soda inay Nairobi ii raacaan si aan shopping uga soo samaysto ayaguna ay soo doortaan dharkii malxiisadaha taasoo aan iyaga u doortay inay ii noqdaan malxiisadahayga taasna waan isku raacaanay.
Hada dukaanka inaan furo ama maanta oo dhan joogo waan jeclahay toloow maxaan iigu wacan,
Aniga iyo Kaafi wixii maalinkaas ka danbeeyey waxaanu ahayn kuwo ka sheekaysta gurigooda arooskooda meherkooda iyo alaabada aan dhigan lahayn waqtiguna wuuba cararayaa oo anagoon ogayn buu naga dhaamaadaa.
2 maalmood kadibna hooyo ayaa igu wargalisey in ay walaalkeey la wadaagtay wax kata barina kaafi guriga marti qaad loogu samaynayo si la isu baro isaga iyo walaalkeey, waan naxdin farxay kaafi aristaas waan ku wargaliyey waxaana u sheegay inuu bari guriga qado ku leeyahay ayna walaalkeey isbaran doonaan si xididnimo ah, wuuna ogolaaday.
Maalinkii marti qaadka waxaana ila shaqaynayey saaxiibadaan malxiisnimadayda u qorshaystay oo aad ii xifaalaynayey, si kastaba kaafi wuu timid walaalkeey oo alaabka u taagnaa ayaana soo dhaweeyey oo fadhiisiyey ala yayax way naga sida kaafi loo qaabilay iyo soo dhawayn ta loogu sameeyey waxay maqraati u ahayd sidaan reekanaga ugu waynahay ilmo farxadood baan si aan caadi ahayn iiga socota.
Halkaa ha inoo joogto.

FB_IMG_1508145823420

190 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]