Qisadii soomaali waan necbahay Q;2aad

Tuesday, November 28, 2017       Views
Spread the love

Aabahay waxaa lagu aasay meel aan ka fogayn reerkeena, waxaana dilkaas aabahay ka horeeyey aabahay ina abtigii iyo walaalkeey oo silig lagu marjiyey maydkoodana la helay iyagoo dhurwaa qayb ka cunay, qof kastoo reerka ka maqan oon sheekadiisa maqlo waxaan uun maqlayey in ay axmaaro laysay arintaana waxaan u qaatay in ay reerkanaga kaliya tahay, laakiin markaan madaxa la soo baxay een hano qaaday waxaan ogaaday in soomaalida degaankaas oo dhan ay dhibka nala qabto.

 

Waxaan la kulmay dad dadkoodii la dilay oo intii maydkii la soo jiiday meel magaalo ah suuqeeda la dhigay loona diiday in la aaso, xataa loo diiday in loo ooyo, oo cidii iyadoo qoslaysa aan daawan ama ku dul dhaantaynin la garaaco ama la xidho, cidii ilmada xajin waydana 80% ay tahay in xabsi loo taxaabo aan dib loo arag xataa maydkooda.
Taasina waxaan ku fahmay dadka ugu dhibka yar inaan nahay, waxaa kale oon anaga nagu dhicin dhibaatooyin dadka badankooda ku dhaca oo ay ka mid tahay gabdha la fara xumeeyo iyo haween uur leh ama umulo ah oo xansiga loo taxaabo oo kuwa loo naxariisto ilmaha laga soo teebo, taana qoyskeena kuma dhicin.
Waxyaabahaas oo dhan waxay i tuseen inayna cadaawaddu qoyskayga kaliya ahayn waxaana goostay inaan wadankayga xoreeyo, laakiin in badan waxaan xeerinayey hooyaday oon ilmo kale lahayn ayaan ka tagi kari waayey.
Waxay dhibaatadu marba meel naga soo gashaba ha noqoto xoolo la iska qasho iyadoon nala waydiisanin, ha noqoto nin la iska garaaco, ha noqoto nin la iska qafaasho oo intii sida dameerkii la rarto oo alaabo lagu qaato la dhaho wado na tus , ama jid nalaga xidho oo ciidan naga fadhiisto wadooyinka ceelasha xoolahoo naga ooman, dad tuulo naga tagay oo intii ciidan isku wareejiyey loo diiday tuuladaas in cid ka baxdo iyado xoolihii ay wadeen dareereen markaana dugaagu xoolahan baylahda ah cunaan,dhibab aana ka sheekayn karin ayaa na soo gaadhayey, si kastaba waxaa la soo gaadhay 3dii maarso 2005.
Subaxnimo hore markii salaaddii subax aan tukanay ayaan ka war helay rag reerkanagii ah oo cararaya iyo rasaas si waalan noogu soo dhacaysa iyo haweenay da’ ahayd iyo 3 raga oo laba ka mida ay caruur tahay oo dhulka yaala qaarna galgalanayaan, markaan carar is idhi een fahmay in gaalo madoow na weeraraysana waxaan arkay iyagoo dhan walba naga maray oo nagu wareegsan.
Anigu gurigii hooyaday ku jirtay baan iska hor fadhiistay waxaana meeshaas iigu yimid ciidan tigree iyo soomaali ka kooban waxaana reerkoo dhan ka yeedhaya cabaad dad la budhaynayo, anigana way igu bilaabeen, hooyaday oo is hayn wayday baa idul fuushay oo damacday inay iga celiso iyadiina way igu kor garaaceen, hooyaday anigaa iska kor qaaday oo hoosta gashaday ilaa aan far dhaqaajin waayey oon jilcay igamayna daynin.
Reerka waxaa dhintay wiil yar iyo islaantii da’da ahayd ee xabadii hore la tagtay, labo rag ah oo midi 6 jiryahay midna aniga ila da’ahaana way dhaawacmeen reerka intiisii kale waxay ka dhigeen 2 qaybood rag caray oo naftooda biimeeyey kuna talo galay inay baxsadaan ama dhintaan, iyo dad aan anigu ku jiro oo si xun loo garaacay qaarna ayba jajabeen.
Dadka intii biimada ahayd ee carartay baa maydkii naga aastay, maalinkaas baan hooyaday ku idhi adaan hooyo kaa tagi waayee ama sharaf baan ku dhiman lahaa ama anoo nin rag ah ayaan noolaan lahaa ee wallee sidii gabadh aroos ah guriga la iiguma yimaadeen sidana la iiguma garaaceen.
Hooyaday subaxaas waxay igu tidhi tanba hadii ilaahay kaa kiciyo hooyo aan kuu duceeyee meel aana kaa arkaynin ha kugu dilaane i dhaaf, aad baan u dareemay hooyada xanuunka haya ee ay ilmaheeda isaga fogaynayso waa kaliya hortaada yaan lagu dilin adoon waxba u qaban karin.
Dhaawicii maalinkaas i gaadhay anoo 18 jira eelkiisu 3 sano oo danbe markaan la il daraa meel aan ula kacana iyo cisbitaal i daaweeyana waan waayey, waxaana iigu daraa dhabarka oo xataa raganimadayda dhaawac gaadhsiiyey, sanadkii 4aad da’dayduna 22 ku beegnayd sannadkii 2009kii ayaan adeerkay la hadlay oon ku idhi adeer waxaan rabaa inaan isbitaal raadsado oo aan soomaaliya aado, adeer dhib badan baa ka soo maray dhaawacayga, wuxuu igu yidhi soomaaliya oo xagee ah, waxaana ku idhi gaalkacyo iyo hargaysa kee ii dhaw, adeer wuxuu igu yidhi 2daba xamar iyo nayroobi baa kaaga dhaw, waxaan ku idhi adeer seey iiga dhawyihiin wuxuu igu yidhi meeshaad ku nabad gasho unbaa kuu dhaw.
Hadalkaa adeerkay maskaxdayda kuma leexan maxaa yeelay xataa waxaan aaminsanahay inaana qarash u baahnayn mar hadaan dhul soomaaliyeed u socdo wax kale daayoo isaguna kenya ayuuba ii sheegayaa, mudo aan 3 bilood ka yarayn ayaan adeer ku celcelinayey hadalkii ahaa isbitaalka hargaysa ama gaalkacyo iyo boosaaso.
Adeer subixii danbe ayuu ii yeedhay wuxuuna igu yidhi maxaad go’aansatay isbitaalkaagii inaad xagee aado? Waxaan u sheegay in aan hargaysa jeclahay wuxuuna igu yidhi maalinkaad hargaysa tagto waa maalinkaad nin kuu dhawaa kaa dheeraan lahaa, nin kaa dheeraana uu kuu dhawaan lahaa, adeer waxaan ku idhi maxaad ula jeedaa wuxuu igu yidhi nasteexaaga ayaa maalinkaa cadaw kuu noqon ood cadaw moodi doontaa, cadawgaagana nasteex baad moodi doontaa.
Adeer sheekadiisu ima dhacayso mana sii waydiinin inuu ii balbalaadhiyo, wuxuu faraqa iigu shubay lacag aan isbitaal ku tago wuxuuna ii sii daayey madaxayga.
Halkaas ha inoo joogto

154 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]