Qoramadda Duljogso: Xaaladda Itoobiya Gunaanad seeg ah good dheerna ku dhacday

Warar

Waxaa mudooyinkii dambe si weyn isu soo tarayay qayladhaanta ka soo yeedhaysa qowmiyadii tirada yareed ee Itoobiya ku amar ku taagleenaysay ee Tigreega kuwaas oo moodayay in ay waligood haysanayaan dalka Itoobiya ee dhaqanka & taariikhda u leh is cabudhinta & in qolo walba qoladda kale ku amar ku taagleyso. Cabudhinta ka jirta guud ahaanba Itoobiya ayaa ah mid aan qalin lagu soo koobi karin waxayna gaadhay heerkii ugu sareeyay oo aan ku tilmaami karo waa dalka kali ah ee dhamaan wixii dhibaato ahaa caadi ka yahay sida dilka, dhaca, kufsiga, barakicinta & cabudhinta joogtada ah waana meesha kali ah ee aan laga aqoonin xoriyada qowlka.

Colaada qowmiyadaha ayaa ah mid dhaxal ah oo qofkasta qofka kale ka soo gaadhay isagoo lays dhibaataynayo sidaasna caadi ku noqotay dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee dalkaas ka jira waxayna noqotay mid joogta ah oo cadaalad darada ka jirta Itoobiya ay gaadhay meeshii ugu saraystay. Qawmiyadan TPLF ee Tigreega ayaa cadaadiska ugu badan gaystay mudo badana waday  waxa ugu weyn ee ay caanka ku noqdeen tahay in ay shacabka isku dirto oo midka ugu liita madax uga dhigto si shacabka looxidida siibo waxa ugu badan ee laga tirtirayna tahay dhaqankodii & diintodii macaanayd sida shacabka Ogaadeenya, waxaana dalka loo gacan galiyay kuwa aan umadda u naxaynin oo Hooyadood xataa garaacaya xabsigana dhigaya Ugaasyadii & dadkii ixtiramka umadda ka mudnaa ayaa intii dharka laga dhigay xabsiyadda lagu cayuuqay.

Arimahaas oo dhan kadib waxay dhashay in shacbkii dulmiga lagu hayay ay markali ah is qabsadeen qolo walbana dagaalka meel ka gashay oo halmar ah bilaabatay Tigreega celiyay ha ugu daraadaan labada qowmiyadood ee Oromada & Amxaarada oo ayagu dhibka loo gaystay Ogaadeenya ay aad ugu yarad ayaga oo ku dhex jiray maamulkusheega EPRDF & Militariga gumaysiga Itoobiya & Maamulka maqaarsaarka oo diiday in uu dadkooda gumaado halkan kooxda Abdi Ileey dadkooda loo adeegsaday oo iska daa dadka gudaha jogee xataa dadka dibada jooga ee fikirkooda wax ka sheega qofka ugu xiga xabsiga loo dhigayay waxayna arintaas keentay kooxdaas in uu waagu ku baryay ayaga dhexdoodiina is cunaan.

Waxaa dalka guud ahaan ka jira kacdoon waxaana xidhan isu socodka gaadiidka & dadka, waxaa gabi ahaanba adkaatay in ay Gobalada qaar faraha xukuumadda Itoobiya ka boxo oo dadkii shacabkaa ahaa ayagu maamulaan waxaa meelaha qaar xabsiyadda laga sii daayay maxaabiis gumaysiga u xidhnaa oo kumanaan ah, waxaaa si weyn loo bar-tilmaameedsanaya Tigreega sida shalay ka dhacday deegaanka Oromada oo sargaal Tigreega uu toogtay wiil askari ah oo ka soo jeeda Oromada wilkii wax toogtayna uu dhex galay shacabkiisa.

Isku soo wada duboo xaaladda gumaysiga Itoobiya hadaad maqli jirtay Itoobiya ayaa xoogbadan maanta waxay tahay maral sariir saaran oo geeri ka dhoor ah, saacad kasta & xili kasta oo aan taaganahay Itoobiya in ay kala dhaqaaqdo waxba kuma aha, maxaa yeelay kacdoonada ka socda gudaha Itoobiya wuxuu hadda isku badalay mid qowmiyad qowmiyad ah mana muuqato saan saan kasoo rayn ah maalin kasta xaalad cusub ayaa ku soo bilaabmaysa shacabka Ogaadeenya wuxuu kamid yahay kuwa ugu fursada fiican maanta mar hadii halgankii ay ku jireen wali ay ku jiraan ujeedadii & goolkii ay dhalinayeena uusan jirin wax ka hortaagan.

Qorahay Media

11,739 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo Kooban.

Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo kamid ah Masuuliyiinta Sare ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO ahna Xubin kamid ah Gudiga Jabhadda ONLF u qaabilsan Wadahadalada ONLF & Ethiopia ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeediyay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi …

3,276 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Drs Cibaado Hirsi Mahad Hogaanka Dhaqaalaha ONLF – Shirkii Nairobi.

Hogaanka Dhaqaalaha Iyo Maaliyadda Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO Marwo Drs Cibaado Xirsi Mahad ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeedisay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi oo kasoo qayb galay Xaflad balaadhan oo ay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Nairobi Madaxda JWXO …

3,433 total views, 0 views today

Share
Warar
Cududa ONLF iyo cidhib go’a Tigrayga

Marka aad aragto cududa shacabka halgamaaga ah ee ogaadeniya, .Marka aad aragto hanka iyo doonista sare ee Masuuliyiinta iyo hubnaha ONLF oo saldhigiisu yahay xoriyad iyo aayo katashi Midnimo iyo wadajir .Marka aad aragto hufnaanta iyo bisaylka madaxda iyo kaadirka Jabhada ONLF Waxaad garwaaqsanaysaa in ay maanta jwxo Joogto heer …

6,516 total views, 0 views today

Share