Raaf xoogan oo Jigjiga ka socda & dhalinyaro badan oo meel la geeyay aan war laga haynin

Warar

Warar Qorahay Media soo gaadhjay ayaa sheegay raaf xoogan oo magaalada Jigjiga & nawaaxigeeda ka socda dhalinyaro badana lagu qabtay qaar badan oo kamid ahna meel loola kacay aan laga war haynin, sida ay ilo xog ogaal ah QM u xaqiijiyeen dhalinyarada ayaa la doonayaa in ciidan laga dhigo waana qorsho mudooyinkanba socday oo gumaysigu uu Ina Iley u dhiibay.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Xili qiyaastii 2 todobada laga joogo ayay QM baahisay war arrintan la xidhiidha oo gobolka Qorahay markaas ka bilowday waxan xiligaas naloo sheegay in degmo lagu amray walba 400 oo wiil & qoryahoodii sida ugu dhaqsaha badan inay u keenaan, talaabadan oo si kale ku hir galiweyad dad badan oo ka horyimidna ay xabsi ku mutaysteen ayaa haatan loo baladaya in si xoog ah dhalinyarada lagu kexeeyo waxaana laga ugaadhsanaya xaaafadaha, Masaajidada, goobaha shaqada & suuqa kuwa iska jooga.

Hadaba raafkan oo Jigjiga & nawaaxigeeda si xawli ah uga socda waxaa lagu afduubay dhalinyaro badan oo tuulooyinka ama miyiga ka soo dhaadhacay Jigjiga marka ay soo galaan ayaana la ugaadhsanayaa meel la geeyayna qaarkood cidi ma oga, ilaa intii uu qorshaha raafkani bilawday dhalin yaro badan ayaa wadanka ka carartay qaarkoodna intii la qabtay ayaa la jidh dilay kadibna la xabsi la dhigay ehelada dhalinyarada la raafay qaarkood ayaa si weyn uga walaacsan wiilashooda oo aysan meel ku ogayn.

Isku soo wada duuboo dhalinyaradan la doonayo in ciidan hor leh laga dhigo waxay saraakiisha Tigreega ee Ogadaeenya ku sugan damacsanyihiin in difaaco isku difaacaan sidookalena colaada Soomaalida & Oromia ladhex dhigay lagu sii huriyo, kooxda TPLF ee gabalkoodu sii dhaacyo ayaa u muuqda waxaa cad in ay shacbka Ogaadeenya gabaadkii ugu dambeeyay ka dhiganayaan si ay maalmo u sii noolaadaaan ay xabada isga gudabyaan.

Qorahay Media

2,707 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,530 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

3,017 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,637 total views, 0 views today

Share