Rag Oromo ah oo Hargeysa & Wajaale laga qabtay kadibna gumaysiga Ethiopia loo gacan galiyay

Warar

War Qorahay Media goor dhawayd soo gaadhaya yaa sheegaya rag Oromo ah oo ay maamulka Somaliland qabteen magaalooyinka Hargeysa & Wajaale kadibna gumaysiga Ethiopia ee manaxaanka ah loo gacan galiyay, tirada raggan aya isku darkooda naloogu sheegay 8 mana jirto faahfaahin kale oo ka soo baxday qabqabashaad raggan & sida gumaysiga loogu wareejjiyay.

xabsigii

gobolada uu maamulka Somalilnad gancanta ku hayo waxaa muddo dheer laga dhibayay shacabka Soomalaida Ogaadeenya oo qaarkood ay xabsiyada ku dhinteen qaarkalena ay wali xabsiyada ku jiaran, hadaba mudooyinkii dambe waxaa socaday in dadka Oromada ah dhibka gumaysiga ka soo cararay la qabqabto gumaysigana loo garbo duubo waxayna dadkaasi la kulmaan jidhdil & dhibaatooyin kale oo laga yaabo in ay u geeriyoodaan qaarkood.

Si kastaba ha ahaatee maamulada Soomaaliya ka jira waxay soo qabteen hawlo badan oo gumaysiga loogu danaynayo balse mida ugu foosha xun ayaa ah in ay dad walaalahood ah ay  jeebeeyaan cadow aan caymo u galaynina loo xidho, waa arrin mudo dheer socotay in shucuubta gumaysiga ku hoos tulman cadaadis dhinac walba laga saaro waxaase xaqiiqo ah in dadka xadaradaas lagu samaynayaayo aysan marnaba jujuub gumaysiga ku ogolaanaynin cid kasta oo qof bani aadam ah dhibaatayniisa u taaganina abaalkeeda way helaysaa

Qorahay Media

1,217 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

4,802 total views, 0 views today

Share
Warar
Duljoogso: Halgamaaga gobanimo doonka ah muxuu ku suntanyahay?

Qoramadeena Duljoogso ee todobaadkan waxaynu ku soo qaadanaynaa cinwaanka sare oo ah Halgamaaga gobanimo doonka ah muxuu ku suntanyahay? waxaanan u araganay inaynu wax ka taataabano, ugu horayn ereyga halgan marka aad maqasho waxaa judhaba maankaaga ku soo dhacaysa shaqo adag oo loo galayo hab mutadawacnimo ah isxilqaana lagu fuliyo …

7,437 total views, 0 views today

Share
Warar
Magaalada Harta-Sheekha oo biyo qarqiyeen halisna ku jirta

Wararka laga helayo gudaha Ogaadeenya gaara haan magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ay roobabkii labada todobaad da’ayay dhibaatooyin gaysteen islamarkaasna ay biyo buuralayda ka soo dhaadahay magaalooyinka waxyeello u gaysteen, magaalada Harta-Sheeka ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga dayrinayo ee ay daadadkaasi waxyeelleeyeen waxaana la sheeagyaa in ay guryo …

10,980 total views, 0 views today

Share