Sarkaal sirdoonka gumaysiga Ethiopia ka tirsan oo Hargeysa lagu xidhay

Warar

Wararka Qorahay Media ka hellayso magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in magaaladaas lagu xidhay Sarkaal ka tirsan ciidamada gumaysiga Ethiopia oo lahaa amarka lagu aiu daayay Oromo ah oo xabsi gumaysiga Ethiopia Hargaysa ku leeyahay laga ku xidhnaa, ragga Oromada ah ee xabdiga laga sii daayay ayaa horay ula shaqayn jiray sirdoonka gumaysiga Ethiopa ee Hargaysa & nawaaxigeeda ka hawl gala.

Warkan oo Qorahay Media ka heshay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in sarkaalkan oo ka tirsan Sirdoonka gumeysiga Ethiopia ee Somalia ka hawl gala uu horay u  ahaa taliyaha Sirdoonka gumeysiga ee deeganada Puntland ee dalka Somalia haatanna wuxuu ka hawlgalayay magaalada Hargeysa.

Hadaba sarkaalkan ayaa xabsiga la dhigay habeenimadii Jumcaha ka dib markii uu bixiyay amar lagu sii daayay 4 nin oo Oromo ah kuwaas oo sida kor ku xusan sirdoonka gumaysiga horay ula shaqayn jiray, nimankan Oromada ah oo la xidhay dhamaadkii sanadkii hore ayaa kagu eedeeyay in ay Jabhadda OLF gacan saar la leeyihiin isla markaasna dowlada Ethiopia warar majaro habaabin ah siiyeen.

Muddo 5 bilood ku dhow ayay raggasi  xabsiga gumaysiga Ethiopia Hargeysa ku leeyahay, raggaas oo qaab basaasnimo ah gumaysigu uu u hawl galin jiray aakhirkiina laga shakiyay waxaa loo gaystay jidh dil baahsan.

Sarkaalka haatan Hargeysa lagu xidhay oo lagu eedeeyay inuu bixiyay amarka raggaas lagu sii daayay wuxuu ka aoo jeedaa qowmiyada Axaarada sirdoonka gumaysiga ee Somalia ku sugan ayaa shaki xoogan ka qaaday, dhinaca kale waxaa si aad ah loo baadi goobayaaa nimanka Oromada ah ee xabsiga laga sii daayay oo meel ay ku dambeeyeen aan la ogayn

Isku soo wada duuboo xaalada gumaysiga Ethiopia ee sii xumaanaysa ayay arrintani qayb ka tahay, waxaa sii xoogaysanya khilaafka & kala shakiga hay’adaha gumaysiga wuxuuna khilaafka ugu weyni ka dhex jiraa sirdoonka gumaysiga Ethiopia gaar ahaan kuwa gudaha Somalia ka hawl gala oo qowmiyad qowmiyad u kala soocmay

Qorahay Media

10,774 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,430 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,917 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,537 total views, 0 views today

Share