Search for:

   
 Dood      

Home  Forum History Tafsiirka Geestbook Chat Qur'aan

    
  
 

> Wakiilka dawladda talyaaniga u qaabilsan arrimaha soomaaliya Mr Carlo Ungaro oo maanta shirjaraa"id qabtay muxuse sheggay. 06/9/2003
> Shir guddoonka geeddi socodka nabad ee soomaaliya Mr Betheul kiplagat oo sheeggay in qodobada la isku mari la"yahay la horgeeyo kulanka ay yeelanayaan IGAD &beesha caalanka. 06/9/2003
> Mawqifka yurub ee ku wajahan shirka dib u heshiisiinta kooxaha soomaaliyeed uga socdo duleedka magaaladda nairobi. 06/9/2003

 
 

06, September 2003.

Wakiilka dawladda talyaaniga u qaabilsan arrimaha soomaaliya Mr Carlo Ungaro oo maanta shirjaraa"id qabtay muxuse sheggay..

Amb.Carlo Ungaro:- Dawladda Talyaaniga ma.......
Safiirka u qaabilsan Dawladda Talyaaniga Arrimaha Shirka dib u heshiisiinta
Soomalida oo haatan ka socdo Mbagathi ayaa shir jaraaid maanta ku qabtey
xafiiskiisa Ku yaala Riverside Park ee magaaladda nairobi Nairobi.

Amb.Ungaro waan ka xumahay in wargeyska Tawfiiq uu soo qoro Dawlada Talyaanigawaxay garab siisaa kooxaha siyaasada isku haya ee soomaalida mid ka mid ooshir uga socdo Nairobi.
Waxay ahaataba Talyaaniga waa dawlad dimoqoraadi ah oo xuriyada saxaafada waalaga tixgaliyaa laakiin ma qoraan meel kadhac siyaasadeed.

Dawladda talyaaniga waxa ay ka mid tahay deeq bixiyayaasha ugu waaweyn shirkasoomaalida, waxaana ka mid nahay deeq bixiyayaasha caalamiga ah dano gaar ahnakama lihi waxaana u soconaa in aan waxqabad muuqda u sameyno shacabkasoomaaliyeed oo dhibaatadu ku jiray ilaa iyo toboneeyo sano.Waxaan u diyaarinay deeqo iyo lacago oo aan ugu tala galnay in aan ku qabanoIlaalinta nabad gelyada magaalooyinka Muqdisho iyo kuwa kale,deeq cunto iyodaawo ,mid waxbarasho iyo ilaalinta xuquuqda shacabka soomaaliyed.
Mar uu ka hadlayey socodka shirka waxa uu yiri anaga masuul kama nihi shirka

IGAD iyo Dawlada Kenya ayaa wada , laakin ma qaadaneyno wax aan macquul ahey, sida shirka oo loo dhameyn in la iska wado ,waayo waa dagaal kale aasaasideedahaddii shirka koox loo wado kooxi kalena maqan tahay.
Ugu danbeytii Ambasadorka waxa uu yiri waxaan shacabka soomaaliyeed iyo
Adduunkaba u sheegayaa in Soomaalida fursadan qaaliga ah ka faaideysato ayuushirka jaraai`id ku soo gabagabeeyey.

--------------------------------------------------------------------------------

Shir guddoonka geeddi socodka nabad ee soomaaliya Mr Betheul kiplagat oo sheeggay in qodobada la isku mari la"yahay la horgeeyo kulanka ay yeelanayaan IGAD &beesha caalanka...

Shir ay yeesheen Kooxaha siyaasada Soomaalida ,Guddiga farsamada IGAD,

Beesha Caalamka iyo Goobjoogayaasha shirka ayaa Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiintaSoomaalida ee Mgabathi muddane Bathuel Abdul Kipligat u sheegay in qoddobka 19-aad ee ka hadlaya Dawlad Goboleedka iyo Maamul goboleeda gebi ahaantiisa lahorgeeyo la horgeeyo shirweynaha Ergada oo dhan ku kulmaya ka dibna cod looqaato waayo isaga ayaa uu dhib ka taagan yahay waxaan qaadaneynaa meesha codka ubato, taasi ayuu xal keedu yahay,mana aha hal qoddob in shirka loo dumiyo waan in wadatshi iyo wadahadal ay koox waliba isagu laabato ka dibna shirwynaha lagu
wada kulmo.

Dhanka kale shirwynaha soomaalida ayaa midawga yeub waxa ay ku deeqeen 1-milyan oo lacagta Euro ah maadaama ergada shirka ay kor u dhaaftey ilaa 900-Ergo walina qaar dhiman yihiin.
--------------------------------------------------------------------------------
Mawqifka yurub ee ku wajahan shirka dib u heshiisiinta kooxaha soomaaliyeed uga socdo duleedka magaaladda nairobi..

Kooxda Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Afrika, ayaa shir ay
15kii Lulyo yeesheen, ku go’aansaday in ay ku wargeliyaan mawqifkooda shirka, dawladaha shirka lafdhabarka ee (Ethiopia, Djibouti, Kenya
Iyo Masar),ururrada caalamiga ah, sida (Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta), Guddiga Farsamada iyo xubnaha ergooyinka Shirka Mbagathi hadda jooga, oo ay ku jiraan wakiilada bulshada rayidka ah.

Ujeedada mawqifkooduna waa in lagu xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta u
dhexeysa Midowga Yurub iyo qaybaha kale ee shirka ku lug leh. Wax weyn ayey ku kordhineysaa guusha shirka Qaran ee Dib u heshiisiinta Somalida, oo ay IGAD hormuudka ka tahay,taageero joogtada ah oo ay Beesha Caalamku siiso shirkaan.

1. Dawladahahaas saddexda ah ee Talyaaniga, Holland|(the Netherlands) iyo
Giriiga oo ku kaltamaya madaxtooyada Yurub, waxay si joogto ah u barbartaagan yihiin taageerada buuxda ee Midowga Yurub ay siinayso
Shirka Qaran ee Dib u heshiisiinta Somalida oo ay IGAD hormuudka
Ka tahay,uuna gudoominayo Danjire Kiplagat, sida ku cadda shirkii guud ee 22kii Lulyo 2002da.

Midowga Yurub waxay ku qancacsan tahay in uusan jirin,wax dhaama oo lagu
doorsado, Shirka Mbagathi ka socda oo Somaliya u keeni kara nabadda iyo
xasilooni, soona celin kara dawlad wax ku ool ah.
Sababtaas darteed ayaana dawladaha Midowga Yurub ay uga go’an tahay,
dhamaystirka Shirka Qaran ee Dib u heshiisiinta Somalida, taas oo waafaqsan
go’aamadoodii 22kii Lulyo arrintaas ayhoray uga gaareen.

2. Waana in la joogteeyaa sii wadidda, shirka Mbagathi ka socda tan iyo inta
laga gaarayo heshiis miro dhal ah, oo haysta taageerada ugu badan
oo suurtogelin kara dhismaha dawlad loogu wada dhan yahay oo
salbalaaran leh. Waxaana habboon in loo suurtogeliyo ka qaybgaleyaasha
shirka,wakhti ku filan oo ay kaga wadaxaajoodaan arrimaha hor yaal si natiijo
wax ku ool ah looga gaaro.
3. Wakhtigaan hadda ah oo shirku uu sii gelayo wejigiisii saddexaad uguna
dambeeyey, waxaa quman in ay ka qaybgaleyaasha shirku go’aamo ka gaaraan arrimaha muhiimka ah ee weli shirka hor yaal.

4 In dalka gudihiisa laga hirgeliyo hanaan dawladnimo, oo ku meelgaar ah, loona dhan yahay, lehna muddo cayiman.

5 In la hirgeliyo demoqaradiyadda, dawlad –wanaagga, xaqdhawrka xuquuqda
aadanaha, iyo in dalka laga abuuridda xisbiyo siyaasadeed iyo kuwo kaleba

Mursal Quule
Mursal@qorahay.com
Qorahay Online
Mbagathi Kenya
--------------------------------------------------------------------------------                                 

Do not forget to  this page! Ha iloobin in aad daabacato Bogan!



 
Back to Home Wararka noogu so hagaji E-mailkan webmaster@qorahay.com

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.