Shir aan noociisa horay loo arag oo qowmiyada Oromada Addis Ababa maanta uga furmay

Tuesday, November 28, 2017       Views
Spread the love

Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga maanta ka furmay shir balaadhan oo noociisa horay loogu qabanin kaas oo ay isugu yimaadeen qowmiyada Oromada mucaaradkeeda & muxaafidkeeda, shirkan oo qowmiyada Oromo ay ku wada tashanayaan waxaa ka qayb galaya xubno sare oo xukuumaad gumaysiga xilal ka haya qaarna ay horay uga soo qabteen.

oromoo

Abaaduulaha ciidamada miltariga, madaxweyne ku sheega gumaysiga ee magac uyaalka ah, afhayeenkii hore ee baarlamaanka Ethiopia & xubno kale ayaa shirka jooga waxaana  Addis Ababa ruxaysa xumad kulul oo shirkaasi ka dhalatay, ma jirto wax dhinaca xukuumad ku sheegta ka socda oo ka hadlay & wax faro galin ah toona waana cadayn buuxda oo muujinaysa in xukuumada gumaysiga Ethiopia awoodeedi ay baaba’day.

Marka si mug leh xaalada gumaysiga loo qiimeeyo waxaa muuqata xaalad kala guur ah oo aan geed dabadii ku laabnayn waana marxaladii ugu dambaysay ee gumaysigu & rafashadeedii uu gumaysigu ku qudh beelayay.

Qorahay Media

1,707 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]