
Wararka Qorahay Media ay helayso ayaa sheegaya inay socdaan abaabulo bulsho & kuwo siyaasadeed oo xididka loogu siibayo kooxda dhiiga shacabka kunaaxday ee TPLF, warku wuuxuu tibaaxayaa in qoomiyada Amxaaradu y fidiyeen siyiinta & madaxda qowmiyada Oromada islamarkaasna kooxda TPLF aysan ogay waxa socda.
Shirka ay Oromada & Amxaaradu isugu yimaadeen ayaan ilaa hada sicad loo ogayn ujeedkiisa hase ahaatee warar soo baxaya waxay sheegayaan in ay kawada xaajoonayan sidii loo midayn lahaa doonista shucuubta xukumada gumaysigana loo xidid siibi lahaa, waxaan horay loogu baranin kulamo noocan ah oo dhex mara qowmiyadaha Oromada & Amxaarada waxaana muuqata in ay furfurantay xaaladii gumaysigu abuuray ee ahayd in shucuubtu ay iyagoo dulmi kuwada jira hadana kala qoqobnaadaan.
Iskusoo wada duuboo shorka Bahardaar ka socda ayaa waji cusub u yeelaya kacdoonkii mudada labada sano ah xidhiidhka u socday ee ay qowmiyada Oromo gadh wadeenkaka tahay, shalay waxaa baraha bulshada lagu faafiyay gadhiyo ay dad aad u badani saaranyihiin oo calanka Oromia ka dul babanayo kuna sii jeeda magaalada Bahardaar ee shirku ka furmay xiligaas unbayna TPLF ka war heleen walaac horleh ayaaana ku furmay mana jirto wali wax talaabo ah oo ay qaadeen.
Qorahay Media
1,545 total views, 0 views today