Shirkii Madaxda Soomaalida Muqdisho Uga Socday Oo Maanta La Soo Gabagabeynayo Iyo Qodobo La Isku Mari La,yahay

Sunday, November 5, 2017       Views
Spread the love

Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo  Madaxtooyadda villa Soomaaliya shirka halkaasi Uga socda madaxda maamul goboleedyadda iyo dowladda Dhexe ayaa waxaa la isku Afgaran waayay qodobada qaar.

maaaaaaaa

Shirkan ayaa ah mid dhaafay waqtigii loogu tala galay in lasoo gabagabeeyo, waxaana qodobada la iskumari la’yahay ka mid ah  Sida Ay Xogo Hoose Ku Heleyso Qorahay Media Arrimaha dib u eegista dastuurka, habka awood qaybsiga khayraadka dalka iyo wada shaqeynta dowladda Dhexe iyo maamulada.

Maamul Gobaleedyada ayaa sidoo kale ku adkeysanaya in laga qeyb galaya go’aamada muhiimka ah ee Arrimaha dibadda. Si Aaney Masiirka Dalka Si Sahlan Uga Goaan Gaadhin Dowladda Dhexe Oo Kaliya

Madaxda maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa shirka ka sheegay in kacdoon uu ka socdo Baydhabo iyo Cadaado  Isla Markaana ay ku lug leedahay Xukuumadda,  aanayna shirka sii wadi karin, inta Xukuumadda arrimahaas faraha kula jirto, waxaana natiijo kasta oo shirka ka soo baxda ay ku xidheen in Xukuumadda ay marka hore soo afjarto xiisadahaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in Shirka Maanta lasoo gabagabeeyo , islamarkaana laga soo saaro qodobo. warmurtiyeed ah

Wadani Ali Qorahay Media

174 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]