Sirdoonka gumaysiga Ethiopia ee Soomaaliya ku sugan oo dhaqaalo xumo soo food saartay

Warar

Warar Qorahay Media ka helayso Dalka Somalia ayaa xaqiijinaya Ciidamada Sirdoonka Gumeysiga Ethiopia ee ku sugan Somalia inay dhaqaalo la’aan baahsan soo foodsartay, warkan oo Qorahay Media ka heshay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in labadii bilood ee u dambeyay Sirdoonka gumeysiga Ethiopia ee Soomaaliya ku sugsn aanay wax mushahaaraad ah qaadan, gaar ahaan laamaha gumeysiga ee gobolada Puntland & Somaliland ayaa si baahsan u dareemay dhaqaalo xumada ciidamada sirdoonka gumeysiga soo wajahday.

ethiopia-down-1

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli u istaagay qayb ka mid ah dhaqaale sirdoonka gumeysiga siin jireen maamulada Somaliland & Puntland waxaana si isku mid ah hoos u dhaca dhaqaaluhu u saameeyay guud ahaan ciidamada gumaysiga meel ay joogaanba, ciidamada gumaysiiga ee Ogadaeenya ku sugan ayaa lagu masruufaa hantida shacbka oo waligoodba inay boobaani ay u sharciyaysnayd.

Isku soo duudubo sirdoonka gumeysiga Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya ayaa qabta shaqooyin badan oo dhamaantood lagu mijo xaabinaya jiritaanka dadka Soomaliyeed guud ahaan, falalkaas ayaa in badan oo ka mid ah siyaalo kala duwan loogu beegsadaa shacabak Soomalaida Ogaadeenya & halgankooda xaqa ah ee mudada dheer soo taxnaa balse hagardaamo kasta oo shacabka Ogaadeenya ay gumaysiga kala kulmaan waa mid aan hayaanka dheer ee gobanimada loogu jiro joojin karin

Qorahay Media

1,022 total views, 0 views today

Share
Warar
Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal. Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne …

4,590 total views, 0 views today

Share
Warar
Yaa Masuul Ka Ah FashilkaIyo Fowdada Dowlada Farmaajo? Wax Ka Ogow

Dad badan ayaa la yaaban isbedallada iyo fowdada ka dhex jirta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Masuuliin Badan Xilka zlaga Qaaday Halka Ay Qaar Kale Iyagu Iska Casileen Xilalkoodi Xogta aan helnay ayaa caddeneysa cidda qaska ku haysa dowladda Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin …

5,047 total views, 0 views today

Share
Warar
Alshabaab Oo Wadada U Galay Ciidamo Koonfur Galbeed Ka Tirsan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur …

5,450 total views, 0 views today

Share