Sir culus oo ka soo fakatay nimanka
wakiilka u ah xukuumadda Itoobiya, ku waas oo marwalba
dibin daabyo ku haya shacabka dulman ee Ogaadeenya. Waxaana
muuqata xasuuqa lagu hayo shabka Ogaadeenya in ay gacantooda
ku fuliyaan si ay u raali galiyaan taliska Addis Ababa
ee goostay in ay cidhib tiraan umadda Ogaadeenya. Habada
waxaa guul ah in uu soo gaadhay shabakdda Qorahay Online
Dukumiinta badan oo sir culus xambaarsan, qoraalkan oo
kamid ah qorshaha u dajisan gacanyaraha gumaysiga ee ah
dabargoonta shacabka. Waxaan idiin balan qaadaynaa in
aan si taxane ah idiinka haqab tiro go'aamadoodii howlgalka
ay ugu magac dareen Alloolaha Cidhibtirka Nabad-diika
ee Miliiniyeemka (Itoobiya) taas oo ay ula jeedaan
shacabka in la cidhibtiro. Hadaba waxaan idin hordhigaynaa
qaybtii kobaad ee qoraalka sirta culus xambaarsan waana
kan waxaan u samaynay qoraal walba Page waana sida ay
u kala horeeyaan. Taariikhda aad qoraalda ku arkaysaan
waa taariikhda Itoobiya..
Sirmaqabe Allaah u sahan
ah.