Somalidii u barakacday Jigjiga oo aan garab ka helin gumaysiguna diiday

Warar

Magaaladda Jigjiga ayaa la sheegayaa in ay soo gadheen dad Somaliyeed oo ka soo barakacay dhibaatadda ay ku hayso qawmiyadda Oromadda ayaga oo soo gaadhay magaaladda Jigjiga & meelo ka agdhow.

Sida uu Wariyaha Qorahay Media ee magaaladda Jigjiga soo tabinayo isaga oo u kuur galay, waxaan dadkaas soo gaadhay dhibaatooyin aan la qiyaasi karin ayaga oo wax gacan ugu jira uusan jirin dadsanyihiina meelo kamid ah magaaladda Jigjiga mana haystaan wax gar-gaar ah iyo hoyi tooona.

Dad shacab ah oo ku sugan magaaladda Jigjiga oo isku dayay in ay garab qabtaan dadkaas tabaalaysan ayaa la sheegayaa in loo diiday oo malayshiyadda Hawaarinta Liyuuga & madaxda Tigreega oo is kaashanaya u dideen dadkii rabay in ay umadaas gurmad u fidiyaan.

balbalayti

Waxaa kale oo aad u adeg in dibadda wax gurmad ah ka soo gaadho oo gumaysiga ayaan ogolayn, dadkaas waxay ku jiran xaalad aad u qalafsan.

Dhanka kale dadkii laga qixiyay magaaladda Jigjiga ee u dhashay Oromadda ayaa dhulkooda gaadhay waxayna ka heleen soo dhaweyn xoogan oo dal & dibadba ah waxaana dadkaas loo sameeyay gar-gaar xoogan oo uga yimid dadkooda gaar ahaan Oromadda dibadda ku nool oo u soo dirtay dhaqaale xoogan.

Gumaysiga Itoobiya ayaan isagu wax danqasho ah u haynin dadkaas shacabka ah ee laga soo barakiciyin dhulkodii ay sadexda qarni daganayeen, dadkaas waxay u baahan yihiin in loo gurmado, Warbaahinta Qorahay Media waxay soo dhawaynaysaa cid kasta oo dadkaas garab siinaysa.

Qorahay Media

 

2,608 total views, 0 views today

Share
Warar
Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal. Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne …

4,459 total views, 0 views today

Share
Warar
Yaa Masuul Ka Ah FashilkaIyo Fowdada Dowlada Farmaajo? Wax Ka Ogow

Dad badan ayaa la yaaban isbedallada iyo fowdada ka dhex jirta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Masuuliin Badan Xilka zlaga Qaaday Halka Ay Qaar Kale Iyagu Iska Casileen Xilalkoodi Xogta aan helnay ayaa caddeneysa cidda qaska ku haysa dowladda Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin …

4,916 total views, 0 views today

Share
Warar
Alshabaab Oo Wadada U Galay Ciidamo Koonfur Galbeed Ka Tirsan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur …

5,319 total views, 0 views today

Share