Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Hadlay Dagaalkii Maanta Ku Dhex Maray Tukaraq

Warar

Waxaa saaka dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland ka dhaceen deegaano hoos taga Sool, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

soma-218x150

Dagaalka ayaa la sheegay in uu saaka aroor hore qarxay kadib markii ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Maamulka Somaliland weerar kedis ah ku qaadeen Ciidamo taabacsan Puntland oo fariisimo ku lahaa deegaanka Tukaraq.

Ciidamada Somaliland ayaa dagaal xoogan kula wareegay deegaanka Tukaraq oo fariisimo u ahaa Ciidamada Puntland, waxa uuna dagaalka markii dambe kusii fiday deegaano kale oo ka baxsan halka uu dagaalku ka bilowday.

Maamulada Somaliland iyo Puntland oo dagaalkan siyaabo kala duwan uga hadlay ayaa midbo midka kale ku eedeeyay masuuliyada dagaalkan , waxa ayna labada maamul sheegeen mid kasta in lagu soo xad gudbay.

Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, Cabdiraxmaaan Cabdullahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa sheegay in saaka ciidankooda Ay weerar kusoo qaadeen ciidamo uu sheegay in  ay ka amar qaataan dowladda federaalka ee Soomaaliya .

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Wasiiro katirsan Dowlada Federaalka iyo Puntland in ay booqdeen magaalada Dhahar halkaasna ka jeediyeen sida uu tilmaamay khudbado kicin dadweyne ah. Waa Siduu Hadalka U Dhigaye

“Somaliland iyo dadkeedu waxay cadeynayaan in aanay mardambe u dulqaadan doonin xaaladaha noocaas ah diyaarna u yihiin in ay nabadgelyadooda iyo qarankooda difaacaan” Ayuu iri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Dhinaca kale Wasiirka amniga Puntland, Axmed Cabdullahi Yuusuf, ayaa isna ka hadlay dagaalkan ka dhacay Sool, waxa uuna sheegay in layaab ku noqotay dagaalka xogan ee saaka kala kulmeen maamulka Somaliland.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in weerarkan lagu soo qaaday uu yahay daan daansi dagaal, waxa uuna beesha caalamka ku war galiyay dagaalkaasi uu sheegay in ay kusoo qaadeen dhinaca Somaliland.

Dagaalkan saaka dhax maray Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaan wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay, waxaana dagaalkan uu ahaa mid xoogan oo saacado badan socday

Ma Ahaan Markii Ugu Horeysay Ee Ay Dagaalamaan Puntland Iyo Somaliland Balse Sanooyinkii Danbe Waxey U Wada Noolaayeen  Si Nabad Galyo  Ah

Wadani Ali Qorahay Media

491 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,468 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,955 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,575 total views, 0 views today

Share