Ciyaaryahan
Lionel Messi ayaa sheegay inuu daacad u yahay asxaabtiisa Barcelona
iyo xulka Qaranka Argentina marka ay timaado codkiisa gaarka ah
ee abaalmarinta Fifa Ballon d¡¯Or 2011 oo uu isaga ku guuleystay.
24 jirkaan ayaa markii seddexaad oo isku xigta qaaday isniintii,
waxaana uu barbareeyay rikoorkii Michel Platini.
Isagoo u hadlayay jariirada Argentina ka soo baxda ee Ole xaflada
ka dib, ciyaaryahanka reer Argentina ayaa sheegay madaama uu kabtan
u yahay Argentina cida uu isaga u codeeyay ee kaalmaha 1aad, 2aad
iyo 3aad.¡°Xavi, [Andres] Iniesta iyo el Kun [Aguero]. Waa
seddex ciyaaryahan oo aan caadi aheyn¡± ayuu yiri.
Ciyaaryahan Gary Cahill
Oo La Filayo In si rasmi uugu biiro kooxdha chelsea
Chelsea ayaa
heshiis la gaartay Bolton bishii hore, lakiin weli ma aysan soo
gabgabeyn heshiiska shaqsiga ee ciyaaryahanka reer England uu ku
imaan lahaa Stamford Bridge.
Tababaraha kooxda Blues Andre Villas-Boas ayaa hore
u sheegay in labada dhinac uu farqi weyn u dhaxeeyo, taasoo keentay
in la isla dhexmaro inuu Cahill ka ralph lauren fekerayo koox kale oo siin karta
mushaharka uu doonayo.
Si kastaba, daafacaasi dhexe ayaa haatan qarka u saaran
inuu ka tago Reebok Stadium, halkaasoo qandaraaskiisa uu ku dhacayo,
Imaanshiyaha Cahill ee Chelsea ayaa waxa ay siin doontaa tababare
Villas-Boas caawinaad weyn, iyadoo daafaca reer Brazil Alex uu codsaday
in la iibiyo bishii December.
Man
Utd Iyo Wayne Rooney Oo Si Wadajir Ah U Beeniyay In Rooney uu ka
Tagayo Garoonka Old Trafford.
Manchester United iyo Wayne Rooney ayaa warbixin qoraal ah oo ay
si wadajir ah u soo saareen waxa ay ku beeniyeen wararka ay qorayaan
jaraa¡¯idyada England ee soo jeedinayay in Rooney uu ku dhow
yahay inuu ka tago kooxda difaacaneysa horyaalka Ingariiska.
Sheekadaasi waxaa maanta lagu qoray wargeyska Independent, waxaana
ay ku lug laheyd isku dhicii Sir Alex iyo Rooney taasoo sababtay
in hal kulan laga saaro kooxda islamarkaana la ganaaxo mushaharka
hal isbuuc.
United iyo Rooney ayaa ka jawaabay warbixinta Independent ka hor
inta aan la daabacin.
¡°Wax walba oo soo jeedinaya in Manchester United iyo Wayne
Rooney ay kala tagayaan waa wax waxba ka jirin¡± ayaa lagu
yiri warbixin lagu qoray website-ka Man United.
¡°Weli ma aanan arkin faahfaahinta warbixinta Independent ay
maanta soo qoreyso, lakiin waxaan u xaqiijin karnaa taageerayaasha
United in tababaraha uu aaminsan yahay Wayne Rooney, Wayne isna
inuu kooxda iyo tababaraha aaminsan yahay¡±
Faarah Mohamed
Qorahay Media
Frankfurt Germany |