Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online

 

 

 


   

Abdullahi Macalim Dhoodaan

 
Gabaygii Dalxiis Geyn

Gabaygan Dalxiis wuxuu ka mid yahey gabayada uu sida weyin caanka ugu noqday Dhoodaan isaga oo ka tusaaloonaya barwaaqada iyo quruxda uu alle weyine ku maneestay dhulka Ogaadeenya, wuxuuna sifeyin ka bixinayaa wax yaalaha laga helo dhulka. wuxuuna yidhi

-----------------------------------------------------------------------------

Dalkayaga dabeecooyinkii, Eebe ugu deeqay
Dulwareejis guud baan tilmaan, kugu dawaarsiine
Ila daawo oo gabaygaygan waan, kugu dalxiis gayne

Hanfi, dab iyo duufaano maleh, ama diraac dheere
Madaayaan daruurtiyo cirkuba, waana di-i-taane
Oo daafyahaa saraa noogu badan, karan darroorteed e

Umana doollin doog iyo xareed, wali dadkiisuye
Mana dookhdo duunyadu dhul kale, sidan daraadeede
Inta Dahare, Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Ee daan Galbeed iyo kor baan, kuu dalaandalinneWaana dul iyo diillaha dhixiyo, duudo iyo buure
Durdur iyo dad haro uu qotiyo, kali daf oo buuxa

Tog durraaba laagaha dixdiyo, wabi kasoo daacye
Biyaha daadka dooxiyo hundaba, way dindimayaane
Markaasuu qofkii doonayaa, dalaga beertaaye

Madardarin farsamadii shacbigu, tacab ku doontaaye
Harqodkii dagtay kootar adag, dacal u saaraane
Jiqirtidaan dabcayn nugi durtiyo, kooshi noo dadabye

Minaaq daloolay bay marashadii, loo dusinayaane
Digiraday dabfiin iyo irfidaa, la isku daabtaaye
Minaaq daloolay baa marashadii, la isku daabtaaye

Xadhko dunniyo suun iyo qoryihii, layska wada duubye
Sango dacayan dagaal kaa u sudho, lagu dabaabeeye
Markaasay dullaha qaadannooy, daba istaagaane

Alaabtaa carada jeexi bay, dibidu jiidaaye
Ciid abuurkii lagu daadinbay, kala dilaacshaane
Dhulkuna daahimaayee sidii, lagu dareemaayey

Durba midhihii oo doog noqday buu, soo dalacayaaye
Oo dheelidaa dabayluhu lulaaan, maalmo dabadeede
Hadana way ka dabargoyn ristiyo, caws dugsiinkara e

Doc katuure laamuhu sabuul, firi dahaadhnaaye
Waliba shay darxumo keeni baa, laga duwaayaaye
Waxay ugu dikeeyaan sariir, daakhilkeeda ahe

Doofaarraday kaga ceshaan, amase daanyeerre
Wadhaf bay ku daafici shinbiro, duulayaa jira e


M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.