Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online

 

 

 


   

Sayid Maxamed Cabdule Xasan

 
Cali-Gari Aboodiga ku Lalay

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan 
Markuu gembigii iyo jahaadkii gaday degmooyinkii faraha badnaa ee ciid iyo hawd fadhiyi jirey oo tuurihii geela lugu dhaqaalayn jirey cidla iyo waaqle noqdeen, ayaa Sayidkii ka tiraanyooday, dabadeedna gabaygan buu mariyay, wuxuuna ku tilmaamay sida dhulkaasi jeer hore ahaan jiray iyo siduu maanta yahay. Sayidkuma wuxuu yiri:
-----------------------------------------------------------------------------


Afka bari ishaa bogox intii, arar Nugaaleeda
Iliilaha banaan iyo intii, edegga Ciideeda
Axad kagama sii hadhin wixii, uduba oo yiile

Caligeri aboodiga ku lalay, abax ka sooryooye
Iqliil weeye madhan qayradii, oomanta ahayde
Afar iyo afqaaqlaa ku dhacay, adhaxya weyntiiye

Ifku kama belbelo tuurihii, oolinka ahaaye
Meeshuu abuurnimo fadhiyey, laga alaab qaadye
Hawdkii ugbaadsaday, horweyn kuma ilaashaane

Uma oohogeeyaan markii, aarankii lumo e
Shisheeyaha araarimaha yaal, kuma ugaayaane
Eegida korjooguhu cishaha, sooma oriyaane

Xerya gaallo laysaga ag dhigay, uma adkeeyaane
Irridaha markii aasku dumo, kuma afuufaane
Ibdarka iyo dhawrtada ratiban, ugar ma siiyaane

Ardaayada golaha kala rogrogan,uma asteeyaane
Uleexida haleelada tircayn, il uma gooyaane
Aar saydha oonyaha gudgude, ubac dugaag jeexa

Ilkaha horor abeesada qallici, halaq uraa leeb ah
Ulbistuug anaaniga dayaca, alabas jeeraanta
Eynaafka baadida tagtow, adadac buubaalka

Abid maqan intaha raadiskey, axal ka duugowday
Akhbaar raadis urur naadinteed, idan ku yaahaynta
Ambaqaadka taa uma ekayn, aniga hay saarin

Sumad awdka sowraca ankira, eedda iyo dhaarta
Asaraarka eexada denbiga, shiru aguugyenta
Guudaan amnaca shiil armaca, luqun inaatowga

Inqiis naas ah iin cararjidow, dhicis amuurrayska
Ubad jala abaah baaqatiyo,dhicis amuurrayska
Amaankow gondood eel ragaad, arami naafowga

Amaanguud anaashiga dhukaan, axadh xaraarowga
Uhda dhugato roor ababa'leyn or iyo geergaarka
Allaqabe kud eertaa qadhqadhi, shilin aseebaaga

Aafaa samaawiga allow, naga ammaneynso
Aamiin ma buuraan intay, duco alliifaane
Kuma adurdhabaan baarqabbadu, abasaxeediiye

Shinbiruhu markuu doob onkodo, ma awanayaane
Abeerrada tifrimay goojadii lama amaaraane
Qorraxdoo abbaar le'eg markii oodda laga jiido

Kolkii kuraygu eyrada hayeey, kala aqoolmeyso
Ulaha uma boobaan intay, tira abyoodaane
Kobtii shalay irmaanku ugu baxay, alaladii fooca

Arbaxaale goortey tagtoo aayaddeed dheregto
Amminkii la baraq-maali jirey, ma arrumayaane
Eydaarteeda oo fool la dhici, ma antaweershaane

Goortay ummuliyaan murkaha, kama abeeyaane
Abur xoor leh kama soo lisaan, ibagaleenkiiye
Masaakiinta agaheeda tuban, ma ajareystaane

Unuun uma jaraan qaalmihii, eydinka ahaaye
Cayuuntaan ilmaha loo dhigayn,kama umbulleyaane
Waxay abaxa goysaba markey, ohin carraabeyso

Afdhuubyaalaheedii durduro, ma ambaqaadaane
Sidii ay iblays tahay xuruun, ma umbulleeyaane
Jilaal aleel ka cad hadday, acabtin dooneyso

Markey uudka kore laasatiyo, abaqa baarkiisa
Iyadoo idiin ka cas markey, oo la soo degato
Intay yeel aslaan ceelashii, uma aroorshaane

Awaliinka kama soo shubaan, ilaha Caymeede
Alalaaska heestii darkii, kuma olkeeyaane
Awr qaada iyo gool ahmiya, ma aldaxaayaane

Abidkoodba kama sooryadaan, alaxa caanoode
Niman baa uquun kagala tegey, ilindidoodiiye
Eebyaha ma soo rogan markii, ibilku tuuraaye
Anaa eegiyey dhicin lahaa, idam Ilaahaye
Wax arsaa'iilkood galay markay, Ferenji aadaane

Diiwaanka Gabayadii Sayid Mohamed 
M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.