Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online

 

 

 


   

Maxamuud Cabdullahi Sangub

Dal-maasheeye

Maansadan waxaa curiyay maxamuud cabdullahi sangub wuxuuna abwaanku ku guubaabinayaa ummadda Soomaaliyeed, gudo iyo dibadba gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool in ay si dhab ah ugu guntadaan sidii ay sharafkooda dadnimo u soo ceshan lahaayeen ilaa liyaana dhaqankooda. Waxa uu abwaanku quuddaraynayaa, isagoo gabaygu ku beegan yahay munaasabadaha ka soo wareegay xornimada Soomaaliyeed ee Juun iyo Jully 1960kii, in la dhinac maray dantii guud ee bulshada ka dhaxaysay, lana baabi'inayo qiimaha Soomaalinimada, iyadoo qaar yar oo waranleyaal ah ay ku danaysanayaan.

Waxa uu yiri Sangub:
-----------------------------------------------------------------------------

Colaadahan isdaba jooga iyo qiiqa demi waayey
Dilka iyo dhibaataday qabto iyo degelka naafoobay
Dumar iyo carruurtii ka madhay doobka reeruhuye

Duqay iyo waxgaradkii la laa daadahayn jiraye
Dillaal iyo Mallaalkii cunay yaa daanyo-qaad u ah
Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
Ninkii dilayey baa doodayee nabadba yow doonay?

Dix-fariisigii baa ka degay damalkii waynaa
Digadii hulaaqdoon bakhtiyin damal la saarsaar
Doqonna kuguma wadin baa intaa lagu dagaayaaye

Dulli iyo nin liita uun baa qabiil soo dugaashadaâ e
Dabargooyayaashii ayaa duubka loo xiraye
Daallin iyo Iblays tuug ah ayaad daba ordaysaane

Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay
Kuwa dibedda jooga iyo kuwaa gudaha dooxaaya

Labaduba dugaag weeye oo wax isma doorshaan
Taar bay dul wada yuururtaa oo war dayday ah
Dawarrada wixii lagu helayna waa wada diraynaa

Dayday baa masuul looga dhigay dalawideeniiye
Doonyaha belaayada sida baan daadah leenahaye
Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye

Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay

Maskaxda yay dawaar nagu xireen daabac aan go'ine
Dhegahay naga dabooleen indhahay naga dahaareen

Debnihiyo afkay naga xireen oon diidayba lahayn
Sida haan daloosha yuu warkuba naga dusaayaa
Dareenkii waxa nagala tegay duul habaar qabaâ e

Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye
Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doontay
Siday diintu tiri, ruux wax dilay daahir noqon waa

Rabbina muunan dedin oo sharciga diirka ka caddeeye
Doofaar ku taabta iyo isagu wax isma doorshaane
Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye

Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay
Dammiin aan wax qorin jaahil aan downa garanayn
Dirri aan wax gelin oon aqoon deris walaalaynta

Oon soo duweyna baran inuu didiyo mooyaane
Nin isdoortay kelidii intuu duur cidla ah aaday
Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye

Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay

War dorraad buu Kobruhu kugu hanqaray danabka tuuraa
Dan bayna naga lahaayeen inay soo degaan Xamar
Dembina mayna gelin culimadaa gaalku deydeyi

Dadka go'aya waa baarcaddii uu dalku lahaa
Dhiiggaynu wada daawannaa soo darroorimay
Dadqallada mindida dheer leh un baa loo durbaan tumaye

Ninkii dilayey baa doonayee nabadba yaw doonay

War hay diidin Soomaaliyey waan idiin digiye
Waxaan dooni een rabo ayaan diirka ka caddayn
Qoys waliba intuu kii dilay mayada deeqsiiyo

Derbi adag quraanjo leh intaan diilinta u saarno
Garbaduub intaynu u xirniyo xarig aan sii daynin
Xakame aan damayn oon baxayn dalaq ku soo siino

Oo derisku ay wada hadlaan daaqsintiyo foofka
Danwadaagtu qaadaadhigaan hadal an daalaynin
Ha la doono Soomaaliwayn ul iyo diirkeed ah
Ama daadsanow qaaradaha lagugu dooxaayo!


M Ibrahim
Qorahay Online

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.