Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online


   

Saalax Xaashi Carab

FATXIYOW

Gabaygan waxaan u tiriyey, gaar aháán, wiil aan adeer u ahay oo la yidhaahdo Maxamed Maxamuud Cumar (Fatxi) oo markaa shan iyo toban jirsadey iyo, gùùd aháán, facaaddiisa Soomaaliyeed ee la da'da ah, oo aan hubo inay baahí weyn u qabaan talò iyo tusmò ay sààd uga dhigtaan Qarniga 21aad oo foodda ku soo haya.

Fa’da gabay adaan Muxamedow ` kuu furfurayaaye
inkastoo facaagii yaryahay ` waan ku fahamsiine
adigiyo filkaagaan fandhigid ` aan farteen bariye.

Fatxiyow xikmadò kuugu filan, berri-ku-faa`iidka
iyo faallò duniyeed intaan ` filayo toolmooni
fanuuska nuurkaan tilmáán ` kuugu falanqayne.

Tusmò fayllan anigoo fansaar ` kugu fanaynaaya
wààga foolka kugu soo hayiyo ` farabarkuu dooni
iyo furaha nololshaan qodbayn ` kuugu faaqidiye.

Farsamaynta Rabbigii lahaa ` faxallo-uunkeena
dháb inuu u jiro kay fureen ` nebiyaduu faafshey
fadligiisa bari gúúli waa ` tuu fidshoo gudha e.

Furqaan aamin Diinteena oo ` hayso faraqeeda
Mustafuhu dariiquu falood ` qun ugu foognaadto
iyo waa inaad fuliso tuu ` Eebbe faralyeelay.

Rabbi baa kurbada feydi kara ` oo furdaamiya e
qadderkiyo junuuddiisa faran ` ha ku fallaagoobin
faajirnimo ka dheerow cíd kale ` ferej inaad mooddo.

Dadkii hore fac weynuu lahaa ` iyo firgoyn dheere
fiinta sare haddiyo teenu waa ` toban kun oo fiide
maandhow cimriga soo fagmaa ` loo falaa tacabe.

Qaangaadh xil fuulaad tahaoo ` loo xisaab furaye
ifka ficiladii kuu qormaa ` faylka kuu geliye
fursad gaaban weeyee qabriga ` kayd u dhigo fiican.

Wiilyahow falaadyada adduun ` faalladeed badane
is-fasakha fusuul aan is-xigin ` isu faruurkeeda
waa lama filaan fira baxdiyo ` faalka oo kale e.

Farxad laguma waariyo wanaag ` fooqyadeed sare e
nabsi foorarshaa dhima midkii ` uu fasaad galo e
isku-fuuq fanqaadkeeda bilan ` fanaxa haw taagin.

Fool-adkaanta lagu sii yaqaan ` sebenka feylfeylan
xanuun lays faquuqiyo fakhriga ` fara-madhnaantiisa
samir qudha ayaa kaa furfura ‘ feleg cidhiidhyoone.

Dugsi weeye furanoo aqoon ` lagaga foolaaye
waa fagaare lagu soo arkaa ` fajac dhammaantiise
fidno weeye labadeeda qaar ` fawska loo maro e.

Rabbi baa fadilay aadmigoo ` siiyey fiirada e
xoolahaas la foofshiyo khalqiga ` fulaya ee daaqa
kama feedha weynee caqliga ` buu fardheeryahay e.

Garaadkii fiyow baa kasmada ` feyda oo hela e
fekredaha middaan garad hagayn ` foolka laga raacshey
ma fadhiisto ficilkii waxgarad ` lagala fiigaaye.

Hawl kastoo fudayd loo galaa ` way fashilantaaye
haysu feydin falal kaa tanweyn ` kuuma fulayaane
waxkastaba intii aadan falin ` fiiri cidhibtooda.

Far halkaad dhigaysiyo halkaad ` foolka ugu jeeddo
farmac laguma boodiyo durduro ` fededka buubaale
feejignaan oggow waa adduun ` faysha lays jaro e.

Hadday talo fiddoo faafto way ` fara-badnaataaye
faradhuubni bay kaa rabtaa ` xaajo firidhaaye
ha ka faagan tii ugu firroon ` farakuhaynteeda.

Fusuqiyo xumaantuba naftay ` farac wadaagaane
waa filim wax jiitee hawadu ` yaanay ku faruuran
ka fogow Ibleys falallowaan ` uun ka faaruqine.

Haka faanin weligaa miskiin ` ama fiqiir baahan
haku fiirin gaajadu midkay ` faganaysoo liita
la fadhiiso maatadu naftay ` fiic ka dhigaysaaye.

Fantadiyo addoomada intaa ` feedho-malaxaystay
Rabbaw keenay faalide ma jiro ` furuq qof doontaaye
inay laba-fidnow tahay oggow ` aadmi lagu fiirsho.

Fiicnida adduun waa intii aad fiyowdahay e
fadligiisa tuugoo hadduu ` Eebbe kuu fidiyo
u adeeg intii fuuqbaxduu ` shubanku fiiqaayo.

Firfircooni joogto ah dedaal ` fiicni iyo hawlkar
iyo dabci furnaan baa khalqiga ` deeqa oo fura e
yaanad keli finiinine dulqaad ` fadhdhi nin weyn yeelo.


Ceebta loogu fooldhaqo ayaa ` ruuxa fooldila e
wax fadeexa keeniyo bayuur ` jaaha ka fogayso
hayska fiiqin foolkii gubtaa ` yeesha furuqdhoone.

Beentu kuma fogaysoo ciyoon ` way fad-bururtaaye
waa fulay gabbaadkuu galaa ` faadhumaysiga e
xaq ku fara-adayg waa runtoo ` aad furtaa abide.

Faran-caabud weeyoo dhabcaal ` Eebbe ka fogaaye
iimaankaan fadhdhiyin baa qalbigu ` bixinta fuuraaye
faxalnimo oggow waa Jannada ` taad ku furataaye.

Rabbi bayna faray waalidkoo ` loo samaan falo e
fac markay yihiin ood barbaar ` faylan u ahaato
fatxi iyo Farduusaad ku heli ` hooyo faraxeede.

Qarnigii farsamadaad kacdoo ` aad filkiis tahaye
waa seben farshaxanoo tacliin ` lagaga foosaaye
fersed jaahil kuma yeelan karo ` fooska maanta ahe.

Fartaad qaaddo fahamkeedu waa ` fara-aqoontaaye
ferded idil cilmaa kuu fanayn ` fiin kastoo sare e
fasalkiyo duruustiyo oggow ` fara-ku-hayntooda.

Inkastoo qabiil fiday dalkii ` uu fadqalaleeyey
misna waa dad far-iyo-suul ahoo ` aan farqi lahayne
firka caymin karayaad tahee ` feker quruun yeelo.

Faddaraynta gaaladu waddiyo ` fiiso-qaxintoodu
waa dhaqan-faddaadayn horloo ` caamadii falaye
mar ha filan inuu fiicnidaa ` faranji qoondeeyo.

Maandhow funuuntaan dhigdhigay ` fasiriddaan raacshey
farta kuugu fiiqaye xaqii ` farraxa haw boodin
ha fudaydsan waanadu Fatxow ` waa farriin odaye.

Waxaa curiyay kuna deeqay
Saalax Xaashi Carab

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Free Counter
Contact: suugaan@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2004, All rights reserved. Qorahay Online.