Ruux Cadtaw
Anigoo jooga magaalada Jabbuuti xagaagii 1998, ayaan
maalin maalamaha ka mid ah iyada oo aan dhexmarayo
suuqqa Dukhsiile oo magaalada dhexdeeda ah, ayaan
arkay inan yar oo aan da’ ahaan ka weyneyn shan bilood
oo meel derbi ah oo dadkii laamiga marayey hoostooda
ah ka dhex jaqaaq leh, iyadoo hooyadiis na shaah ay
iibinaysey babbinayso.
Muuqaalkaas oo aan ka naxay ayaa igu taaray
inaan inankii qabto oo aan hooyadii ku simo isku na
dayo inaan aamusiyo. Hal cabbaar ah dabadeed, markay
ka soo jeedsatay qaxwahay iibinaysey, ayaan waraystay.
Waxay ii sheegtay inay ka mid tahay qaxootigii Soomaalida
oo ay toddoba sano Jabuuti joogtay, iyada oo iigu sii
dartay inay wiilkan ku curatay uuna ninkeedii Suudaan
u kicidtimay oo shaqo u doontay. Waxaan kale oo ka sii
jidhroorsaday markay ii sheegtay inay ay iibinta shaahha
bilawday intii aanay affartanbixin.
Sidaas darteed, baa aniga oo ka xun muuqaalka
hooyadaas dayacan, wiilkeeda murjucca ah iyo ilxumida
ka muuqadta, ayaa waxa ruuxxaygu igu taaray in gabaygan,
oo aan ku halqabsaday wiilkii mahayamoogta ahaa, aan
tirsho.
Cunugyahow hanfigu uu caqshee ` gaajó
caranceeray
cadcééd baad u mooddaye dhibtani ` waa
cadááb kale e
culays kaa tan weyn baa jiroo ` kaa cabaadiyey e.
Cadkaagii yaraayoo mudhxoo ` laamigu casseeyey
calyadiyo dhareerkiyo ilmada ` camanka dhiigaysey
sanbabbada cunaa xidhay hiqdiyo ` beerka ku caddaaday.
Cunúg hore u sii ooyeysoo ` dibi
cág sii saaray
oo ka cabadtay rààdkiyo cugfaha `ciddida
goynaysa
oo labo codáyn qaylisaad ` caymaddeed tahay e.
Maandhow cidlada aad u taal ` bey’ád
ku cadhdhaysay
iyó suuq cagtii kula tagtood ` cagabidhdhoonayso
caloolshay xanuuntoo qalbigu ` gocasho ceerceerye.
Sár cammiran dharkaas caynbacayn
` ciirshey agahaaga
calal kuuma waayine Alluhu ` caynka kuu garaye
cibraqaadashaad tahay hortaal ` aadmi caasiya e.
Inkastood ciyaal tahay dhalshoo ` aan
af celinaynin
ood calool la buuxshuun garaad ` caanò u taqaanid
misna ruux-catawgay khasboon ` aan codkiis odhane.
Wiilyahow xilliga caynrogmiyo ` saymo
cirirkiisa
curdinkaad tahaa kuugu wacan ` oohin ciirsiga e
waadan xoga cawaansane sideer ` isuma ciilsheene.
Caanannuug ayaad tahay denbiga ` caaqshey
aan geline
carrablabaab haddaad heli lahayd ` caymo waa digide
caloolshaba kamaad soo baxdeen ` jeer cir kuu da’o e.
Maandhow colááddiyo dilkiyo
` cidhibxumaantooda
dadkaagii ayays cidhibjaroo ` aan u tudhin caare
maadtó carar ku timi xeebtanaad ` caashaqood
tahaye.
Hadday calan helaysiyo quruun ` foolsha
ku cissaysa
cushkan kuma dhalsheen hooyadaa ` ciirsi li’ideere
adna cáád ma jiifteen dhul aan ` cííd
wax kaa xigine.
Wiilyohow cammúúddiyo derbiga
` cawlay midabkaaga
iyó carcarta kaa muuqadtiyó ` boohín
camaloodka
cidhifyada ma eegine middani ` waa cawó adduune.
Caqli-celin nasteexiyo haddaan ` kuu cimilo
sheego
waad ku caanamaalshaye waddada ` qabo cidhiidhkeeda
ha na caban Colaadow ma jiro ` cunug ku dhaamaaye.
Cartanoow dalkaagii cunsuro ` ciirshey
baa helaye
cuquubada dhacdiyo caynkanay ` kuugu camalaysay
caqligaab kursiga caabudoo ` caaq ah baa dhigaye.
Cadcad bay u goosteen halshaad ` cuud
ba ka lahayde
toban calan ayay kala sudhdheen ` oo qabiil cugaye
ceel qodan cirrooliyo duqáy ` ceelalyaan jirine.
Cilmi-sheeg anoo raba inaan ` kuu cabbiro
dawga
oo jecel Colaadow inaad ` caymin hana’qaaddo
dhawr calaamo oo jira dartood ` cabashadaw jooji.
Marka hor cirkaas kore bal eeg ` caadka
ka sarreeya
coomaaddayaal baad ku arag ` caadaqaadte ahe
yaanay kugu cashaynine dugaag ` cuna wax haw yeedhan.
Carro-edeg codsiga aad rabtaan ` cabashadiis
oolle
ubadkooda kuwa caawimoo ` caymiyaa jira e
adse cunug dhul loo daran yahuu ` cayn ba’aad timiye.
Béér aan lahayn cido hantoo
` cawdhhaqdaad tahay e
juhaal kugu ciyaartaa yarow ` cawda kuu jaraye
ha cadtaabin culuq jaaqle baan ` cidi ba xaalayne.
Inkastuu cíd kuu xigo kanaad `
jiifto cagihiisu
Caasimadda wuu jecelyohoo ` cééb lamuu
rabo e
Yaanu kaa cadhoonine isdhawr ` waad cod dheertahaye.
Midda kale Colaadow sidaad ` mooddey waa
cuyube
carrabdaar haddaan kuu dulmaro ` ciidan kugu meersan
iska dàà calaacale cúb baad ` caawa
geli layde.
Duní ay cunsuri buuxisoo ` ciirsan
baad timiye
adoon dhalan ayaad cadaw lahayn ` ceejintaa raba e
Rabbi baa ku caynshaye wax jira ` aadmi kuu col ahe.
Taariikhdaa cayimaysee haddaan ` ciriqqa
kuu raacsho
cirir baa yuurura intaa ` cààdi loo barine
duni cusub ayay kuu tahee ` casharadeed kow dheh.
Waxyi caga`dhigtiyo wààyadii
` aanu curan roobku
uunku badi cawaan buu ahaa ` caabuda asnaame
cilmi kama horrayn Daaha oo ` caalamkii bilaye.
Dabadeed culuun baaxád wéyn
` oo curtaa da’aye
caqiidada la aaminay Furqaan ` diinta cammiraadda
ciidankii Islaamkaa Alluhu ` siiyey cudud weyne.
Cadli iyó barwaaqiyo sinnáán
` cammimtay uunkoo dhan
calankii cagaarnaa bilshii ` caano-dhaladkeeda
wax yar baa kunkii caam dhinnaa ` cidhifyo gaadhkeede.
Iyagays curyaanshaye markay ` ciirtay
taladoodu
Carabtiyo Cajemigii markuu ` caabbin kari waayey
cadawgii qabsaday baa shan boqol ` ciidan loo yahay
e.
Wiilyahow adduunkeer callaqan ` calanwalayntiisa
cilmi iyo aqóóniyo dèdààl
` duni-ciyaarsiinta
hadda cidi kumay haysadtoo ` gààl cad
baw hadhaye.
Celiyaha Yùhùùd coon
ahoo ` ciilqabtaw hayya e
cascaskiyo madowgiyo intii ` caamil noqon weyda
inay cidhibjaraan bay rabaan ` Caaddilkaan odhane.
Nimankii cabiidsiga yiqiin ` aadmi la
carbuunto
oo xasuuqay hindidii cassayd ` caadó may gabine
caddaankii Ameerika haddeer ` Cààd labaad
noqoye.
Cinab maaha reer Yurúb waxay `
soorta ku cabbaane
calaf dhiiga oo wada cassoy ` culuq ka soo miirtay
ma cunaan càdkii aan lahayn ` dhuux nin caadto
ahe.
Inaad nolol cidhiidhiya waqaa ` cudur
ku aynfaaddo
cáydh inaad ahaadtay rabaan ` caammò aan
garane
canaantiyo ka dàà hooyadaa ` gocasho caalwaaga.
Cilinkeeda sheegkadu ka weyn ` caynka
aad filiye
inay wada cabiidshaan dadkoo ` cúúdka
laga laayo
iyó inay Islaam caabbiyaan ` baw calaamád
ahe.
Ciraaq qudha haddaad garan lahayd ` ciilka
lagu raajey
ama curub Koraadkiyo Bosniya ` camdiga loo laayey
kuma aad celceliseen dhawaaq ` jaaq cadiigsiga e.
Midda kale Colaadow nabsiga ` caawa kugu
jiifa
ciilkaambi waxa kuugu wacan ` talada caalwaaye
caaqiibabbeel waa kuwaas ` ciirsi gààl
bidaye.
Weligii ma dhalo caalle oo ` waysku camal
gààle
kuuma caynsho reermaar dhurwaa ` aad u cabadtaaye
cadawgeeda ummaddaan aqoon ` hààd ayaa
cuna e.
Calaacalo libaax ruux barkaday ` coofle
muu barane
càd markuu arkuu soo baxshaa ` ciddiyo laabnaaye
caqli ma leh Colaadow ninkii ` caarre aaminay e.
Cawilcelin ayaa laga helaa ` cùùr
kastoo dúma e
curad waad ka samirtaa hadduu ` ciidda hoos maro e
calankaa dhac waa madaxda oo ` caabuq kaa galo e.
Kuwo Eebbe cadhadiis qabaa ` caynkan kuu
galay e
curáár baad u tahay dùùl
dhowaan ` aan carrúúr dhaline
méél laguu celshaan kaa horrayn ` cáyn
kolay tahay e.
Inanyahow caloolsami abwaan ` héés
canqarintayda
kuuma cududin kaamana cabsiin ` caarigay tahay e
ciyoon baan filaayaa nasriga ` ciiltirkaa sida e.
Carbisyada adkaysoo yarow ` geessinimó
ciirso
cigashada Rabbaa bixiya oo ` caynsha kii dagane
calafkaaga isagaa hayyee ` caga’dhigoo aamus.
Waxaa curiyay kuna deeqay
Saalax Xaashi Carab
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|