Search for:

   

Suugaanta Qorahay Online


   

Saalax Xaashi Carab

XILQAAD

Waxaan tixdan u diray Madaxweyne Xassan Guuleed Abtidoon bilshii Juune ee 1997-dii, anigoo markaa joogey Addis Ababa .

Ra'iis aan xurmeenoo qarniga, Guusha ku xusuusto
Madaxweyne Xasankii xifdiyey, Ummad xorowgeeda,
xushmadiyo salaan iga guddoon, Oo xogwaran raaco.

Gobanimo xaqiiqdeedu waa, Shacab xannaanayne,
xabawarin quruumaha sidaad, Xeerka ugu soortay,
tusmo lagu xadgoostay u tahay, Kii xalaal raba e.

Inta gobolka xuudiyo ka jirey, Ummad xuduud weyn leh,
maamul xumo daraadeed ayaa, Xaas ku taar go'aye,
midnimiyo xaqsoorkii lumaa, Uun xabaal badaye.

Xikmaddiyo haddii aan xiskiyo, Garad xisaabaystay,
dal xasilinta saad xisaadaha, Xeebta uga xeeshay,
xuruuf dahaba baad mudantihiyo, Xusid quruumeede.

Taariikhdii xorayntee Afro, Loo xarbiyey teena,
xiddig baad hormoodnimo ahayd, Seben xaraarkiiye
xubin baadna dheertahay kuwaan, Tooda xaasiline.

Afrikaan inuu xeer dhigtoo, Uu xamilo dawlad,
dadka reer Jabuutaa xilqaad, Noo xaqiijiyey e,
xilkasnimada sii wada midnimo, Waa wax xoodh badane.

Xog ku seeganoon jirin anoo, Huba xaqiiqdeeda
Somaalidii xorowdoo in badan, sharaf ku xaashxaashtay
Ximir baa ku dumay jeer hadday ` Xamar wadaageene.

Xadaafiirta shacabkii dartiis, Gaal idiin xidhayey
xinjir qubatay iyo dhiig libtaad, Xolad ku soo qaaday,
qarankii xushmada weyn lahaa, Waa xabaal simane.

Dal qabiil xabaaloo ka dhigay, Xarunta aafaadka,
oo xamaasad qoysqoys kaskii, Garashadii xuubshey,
jahligii xoldoo xiiray baa, Sii xigsiisimaye.

Xigto iyo qaraabiyo dhammaan, Xididdo weeyaane,
xayaabada ka fuushaa qalbigu, Uu xisaab gabaye
mid waliba midkii xigey ayuu, Xawda jarayaaye.

Xabbad xukunka lagu doonayaa, Xiirtay shacabkiiye,
ummaddii xabsay ugu jirtaa, Qoys xilliyo wiile,
xalxaluufan qarankii dhammaa, Xuubna muu hadhine.

Xikmad li'i daraadeed intii, Ay is ximinaysey,
xaq mid kale intay doonaysoo, Xaafadaw gubaysey,
ayaa sharaf ka xuub-siibashada, Xaaqinkeed maraye.

Xirfadaha shisheeyuhu siday, Xagal u goynayso,
sida loo xubnaystoo xardhiyo, Kala xasayntooda,
iyagaysu xaydane cid kale, Ma ba xusbeeyaane.

Rag dan laa xeraystoo ka dhigay, Xoolohood camale,
marba xaajo kii damacsan baa, Xayn ka baacsada e,
magacyuu ku kala xaadirshaa, Xaabo meel tubane.

Xankakaabsi xaaraamo-qaad, Xoolo qudha doona,
inuu sii xabaaloo dan guud, Uu xangulla gooyo,
qarankuba dar buu xaab la yahay, Reer xantoob galay.

Waxba yaanan xarakayn dhibtiyo, Xaadhin ummadeede,
dad xungurufta caabuda ayaa, Kuu xigaalo ahe,
xanfar ruuxiyoo dhegatirtuu, Sii xijaabsadaye.

Orgobaa xasuuqoo dadkii, Waa xantiir jabaye,
xannaan li'ida haysiyo dhibtiyo, Xeebasho la'aanta,
inta badan kuwii xaaqayaa, Xaajadaw gala e.

Xabbadduu dhammeeyiyo dhulkuu, Nabad ku soo xeelo,
xilyaxyaxa ma dhaadee markuu, Tiisa xoqan waayo,
xaqdhawr li'i xanaaq buu mar kale, Xiiso huriyaaye.

Isagoo xabeebtii jartoo, Hoos u xuurinaya,
ayuu xinif is-xulufaysi jaan, Xilafur raacshaaye
markaasay xamaasadi kacdaa, Oy xigtaan milile.

Shacbi xuubka caaradu xidhoo, Xaydha ka cabsooda
mabda' li'i daduu qoys xanibay, Oo xayiray maanka,
iyagoo xuf beelaay misana, Sii xulaan holace.

Raggii naga xoreeyoo gunnimo, Nagaga xayndaabtay,
xaaswalwaal wuxuu Eebbahay, Jeerar noo xulayey
xilkastii quruuntaa nabsigu, Xiiray seben keere.

Xilagube dadnimo xaalufoo, Aan waxbaba xeerin,
fidna-walaha xaytaa bedelay, Kii xishoon jiraye,
mid xaqiray dadkiisaa haddeer, Xooshle noo hadhaye.

Guurtidii xurmayntiyo lahayd, Xeeli-dheernimada,
xeerbeegtidaan mudanayoo, Doorkan nagu xeeran,
markay ugu xumayd baa tashigu, Uu xusaad galaye.

Inaad naga xanuun badan tahoo, Ay ku xaganayso,
xakamayn intaad xamar u timi, Xaawilaad hadala,
xal intaad u doontaan lix sano, Ka hor xusuustaaye.

lnkastood billawgii xilqaad, Xarakadeed qaaday,
xugmi fulayey oo aan xabayn, Baad lahayd xanibe,
ma xasili karayn xanaf ku goyn, Xiisihii jiraye.

Qadder fulaya xalli looma helo, Jeer xaqiis dhaco e,
intay xubini weli xay ka tahay, Duul xijaabanaya,
lama baajin karo beer xarkagi, Jeeruu xaw go'o e.

Arwaax malaggu xaadirinayaa, Waa wax xoog badane,
xawli-orod xaraar idil ka bood, Xaawin ku abbaarid,
koluu sii xamaartona xuskiis, Buu xabaal geliye.

Xajmiguu yahaba xaalka dhaca, Xaakimkaa qora e,
xikmad qaadashaa loo bandhigay, Taan xijaab dedine,
xirgi qawlka kaashada qudhaa, Xayda oo hela e.

Is xagxagad raqiisoo silloon, Qaran ku xeegaysi,
xadhig-jiid la eediyo intay, Xanan ku meeraysey,
xeer qaran inay wada digtaan, Xukun hadday weydey.

Jahli xooxsi laga xoodh sugaa, Xiisahood dhimaye,
Intay xawda kii jaray kas yari, Daba xushlaynayso,
waxba kama xumaadeen hadday, Kugu xushmeeyaane.

Inay xiiqsantahayoo qabkii, Soo xidhxidhay maanku,
oo ay u xoodanahayaan, Gacanta xaalxaasha,
maantaan xaqiiqada hubaa, Oo xal dhow yahaye.

Waxba yaanan xogo aad ogtahay, Sii xanaakadine,
xilkaan maanta eegayno oo, Xaaji kaa sugayno,
dalka inaad xoraysaan rabnaa, Ood u xaydato e.

Golxobtiyo markaad labo xisaan, Jeeni qaar xidhato,
xarbi calanka lagu taagayoo, Oo xornimodoona,
xoogag kula jahaad gala ayaad, Xaaji helaysaaye.

Garabkaa xayiran xaajadiis, Waa xanjaab li'iye,
quruun xiiso kugu dhawraysoo, Oo xaniban maanta,
cidda kaa xigtaan garan la'oo, Aad ku xeerinayso.

Midda kalena waa xaajo hadal, Iyo xujow taagan,
xil Jabuuti ay leedahoo, Xeebtu ay gabayso,
shacbigii xabiibkay ahaa, Iyo xisaabtayda.

Gartu waa midaan xeertayoo, Aan qodbayn xusiye,
xaq midaan u leenahay inaad, Nagula xuurtooto,
adaa goortan xoogane inaad, Noo xusulo duubto.

Kuma xoorin maantaad xidhnayd, Duurna maan xuline,
xagagelin intaan xeeladayn, Waran la xiimaayey,
mar ma xiiqatiran hawlgalkii, Aan ku xaalufaye.

Waqay kama xaglayn xadan u doon ` xaajo ii timiye
xubbi buu ahaa jeer haddii ` aan ku xaabsadaye
xanjeerkii adkaa waa midday ` xeebtu gocataaye.

Madfaciyo xabuubiyo hubkaan ` xoogga badinaayey
xoladkiyo dabkaan shidahayoo ` xaabdaw gurayney
maraakiib xaraabiya waxaan ` beden ku xeelayney.

Xulufaysigaan galay dartaa ` oo xilfiga doontay
xaraartaan ka soo dhacay jabkii ` Bariga xuubxuubshay
godobtaan xambaartaa ka goyn ` miino lay xidhaye.

Xukunkayga liicay wax badan ` xeebtu leedahaye
wixii xuud gaboobiyo abguri ` gawska ii xoqayey
xas gungume intaan ugu galoo ` xuub dhacaa badane.

Midda kalena xuuraanka jira ` iyo xaqdharkayga
ummaddii jabuutaay xilligu ` sebenba waa xaale
marka uu xunyahay wuu yaqaan ` raa'ib xiiraniye.

Xafaarada wallaalkay hadduu ` gaajo la xeroodo
oo ay xayastii dhanqalan ` ubad ka xaw goosto
xashaa-lillaahiye xareed ` ma xarfisteen dhay e.

Xilbaxay haddaan gabo amaan ` xaabsan kari waayo
xaruntii qudhee uu lahaa ` debed xidhiidhkiisa
xurbis kagama beegeen ishaas ` uu ku xaab guro e.

Xis yaraanta aadmigu wax tegey ` dhab uma xeershaane
xaqiiqdna ma yeeloo dantiis ` bay xag marisaaye
xadka damaca weyn baa haliga ` kaan dastuur xidhine.

Ma xamilo wanaagoo dadkani ` waa dhammays xorane
xamdina laguma karo ruux aduun ` aan xogtiis garane
marka lagu xanuujiyo qudhuu ` yare xusuustaaye.

Xisaab li'ida kii xiimi jirey ` xoolo dhicitaanka
xeradiisa waxa aan ku jirin ` buu xufsiin jiraye
xaaraan maqdaca buu ahaa ` geel xantoobsiguye.

Xankakaabsi qaabkaas horoo ` xabaddu goynaysey
Alla magane xoogiyo dagaal ` xeer kumuu galo e
xukun doone shacabkii ka dhigay ` xaabadaw darane.

Xushmad aan lahaan jirey dalkii ` soddonka xaabxaabay
maamul aan xanuunsado kolkaan ` xusid ku soo qaado
xubno aan fartood gudin ayaa ` xaabshay oo ridaye.

Midda kalena inaan xaawiloo ` xeebsho baan rabaye
doon ay xashwadi maqan tahaan ` la xarbiyaayaaye
xawaaruhu ma fiicnoo badduna ` waa mid xiis badane.

Qaylada xad-dhaafka ah waxaa ` Xaaji naga keenay
marka uu xagaa baxo ayaan ` soo xidh leeyahaye
Booso oon xawaal bidahayaan ` xeeb ku beegnahaye.

Xaasaskii hadhiyo maatadii ` ay xabbadi reebtay
inta xuud gaboobiyo agoon ` xaawaley dumara
qacda dakhal ku xidhan baa ka badan ` xaadda timahaase.

Xurquunkiyo sedkaba Weynahaa ` noo xisaabiya e
intuu noo xariiqaan cunnaa ` oo xad baa dhigane
xuskay looxa ugu taal ayaan ` ku xamdiyaynaaye.

Shacbi aan lahayn xarun dhexoo ` oo midnimo xooray
dadka ay xammaalayso oo ` saaran xudunteeda
khan kastaba hal qoys baa xidhoo ` uu xabsaw yahay.

Curfi lamaba xeershee ninkii ` xoog leh baa haga e
nawaakhiin xirfado aan lahayn ` bays xilqaan diraye
dar kaloo xurmayn xadhig rabaa ` xaaxigaw tubane.

Dhanka kale xasaasiyaddu waa ` xaanidoo kale e
xukuumado heeraabkii degoo ` xeertay baa jira e
xabka uga fudayd badan inay,xin u dalooshaane.

Xilli dheer lixdii sano haddaan ` xeeli kari waayey
xildhibaan la'aantiyo xiqdiga ` uu xirgigu gaabtay
hal shukuuniyoo xagal duwaa ` laysla xuli waayey.

Xaryantaas dabayluhu sitaan ` iyo xamuulkeedu
xadhig qabad ayay kaa rabtaa,xeeli dheernimo e
hadday xagalo daacdana markeer ` waa xal sii durugye.

Xaramkiyo Ilaahii xajkiyo ` noo xadiday soonka
Dastuur aadmi loo xulay xaqsoor ` uu xukmigu buuxo
tubtaad noo xariiqdoy ahayd ` inaan ku xoogowno.

Xertii Ula-madowiyo jidkiyo ` dawgalkii xifdiga
xukaamtii islaamkee wax badan ` tiirka soo xejiyey
xaasidiyo markii lagu saliday ` duul xaqira deeqda.

Fasahaad xad-dhaaf ihi markuu ` xaani ka badnaaday
xarramaadku goortay noqdeen ` shayga la xurmeeyo
Xadiiskiyo Quraankii markii ` laga xawaareeyey.

Xinjir layska daadshaa markii ` ay xalaal noqotay
markii xadis la caadaystayoo ` loo xagliyey booli
xamdi naqid halkii laga rabana ` xolod la sii qaatay.

Shacbi xarafka diimeed xadfoo ` xooray baw darane
in xaqirid xadaafiir kulayl ` laga xisaab oofsho
xukun baa ku fula duul hadday ` xadhiga goostaane.

Xog oggaal ayaw tahay Rabbow ` xaal siduu yahaye
in xaraarug ubadkii yahoo ` nolol xabaal joogo
xufnugaylka taar beelayaa ` ugu xanuun weyne.

Rabbiyow xuduudaad dhigtoo ` uu xag maray aadmi
dembigii ka xaasilay si guud ` iyo xad goyntiisa
ma xamili karnee naga cafoo ` noo xasili dawga.

Waxaa curiyay kuna deeqay
Saalax Xaashi Carab

Afeef: Suugaanta & Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah

Fadlan hadaad xiisaynayso in aad suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com

Free Counter
Contact: suugaan@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2004, All rights reserved. Qorahay Online.