QAYBTII 1aad
HORDHAC
Taariikhdu waxay leedahay muuqaal bannaan yaal ah oo ka hadla dhacdo maalmeedka dowladaha, sooyaalka qarniyadii tagay iyo muuqaal qarsoon oo ah fiirada iyo aragtida dhabta ah ee noolaha iyo ogaalka qaabka dhacdooyinka.
Sida aan la wada soconno gumeystayaashii reer yurub ee qabsaday qaaradda afrika waxay ka gumeysteen dhinacyada dhaqanka, dhaqaalaha iyo aqoonta, arrintaas oo ah furaha dib u dhaca maanta jira. Kaddib markii ay iska hor yimaadeen danahoodii gumeysi ee qaaradda ay kalahaayeen dowladihii reer yurub waxaa dhexdooda ka dillaacay colaad muuqata oo sababtay labadii dagaal ee dunida soo martay, geystayna burbur naf iyo maalba leh. Dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida sannadkii 1945kii waxaa billowday halgan ay hormuud ka yihiin dadyowgii dulmanaa ee la cadaadin jiray, ujeedadiisuna ay ahayd in ay iska qaadaan dulmiga lagu hayo. Halgankaas oo sababay in ay xayndaabkii gumeysiga ka baxaan ummado badan, gaar ahaan afrika waxaa sameysmay maamullo ay si muuqaal ah gacanta ugu hayaan hoggaamiyeyaal kasoo dhex baxay bulshadii soo halgantay. Madaxdii cusbayd ee afrika waxaa markiiba soo food saartay culeys ka dhashay xuduudihii lagu kala qaybiyey dadyowga qaaradda kaddib markii shucuub badan la raaciyey kuwo kale oo ayna wadaagin dhiig iyo dhalasho toona, arrintaas oo hor joogsatay horumarkii la gaadhi lahaa kana dhigtay madaxdii shucuubta afrika kuwo ay tabartoodu yartahay.
OGAADEENYA QAYBINTII AFRIKA KADDIB
Dadka
soomaalida ah ee ku dhaqan ogaadeeniya oo ka
mid ah ummadaha uu sida gaarka ah ugu xadgudbay
sharciga kala qoqobka dadyowga isku isirka ahaa
ayna gumeysato itoobiya waxay soo galeen walina
ku jiraan halgan ay ku doonayaan xaqooda oo
ah in ay iyagu aayahooda maamulaan, halgankaas
oo ay horseed ka ahaayeen ururradii Nasrullaahi,
Jabhaddii xoreynta ogaden (OLF) iyo xisbigii
xoreynta Soomaali galbeed. Ururradaas oo dhammaantood
ahaa kuwii sababay taariikh ahaan dagaalkii
dhex maray dowladdii da¡¯da yareyd ee soomaaliya
iyo boqortooyadii xayle salaase ma ayna noqonin
kuwo ku guuleystay ujeedadooda, wuxuuse jiritaankoodu
raad aan go¡¯aynin ku reebay quluubta bulshada,
ururradaasina waxay jireen intii u dhaxeysay
1948kii ilaa 1964kii.
Lagasoo billaabo sannadkii 1964kii wixii ka danbeeyey dowladda soomaaliya oo saldhig u ahayd halganka soomaalida ogaadeeniya ku dhaqan waxay si heer hoose ah ula dhaqmeysay geeddisocodka halganka, taas oo ay sabab u ahaayeen culeysyada kaga imaanayey afrika iyo caalamka kalaba, hase yeeshee isbaddalkii siyaasadeed ee ka dhacay soomaaliya 21kii Oktoobar 1969kii ayaa soo nooleeyey dareenka dadka kaddib markii dowladdii dhalatay ay mabda¡¯ ka dhigatay qoraalladeedana ku caddeysay in ay taageereyso qaddiyadaha dadka soomaalida ah ee dulman. Iyadoo laga duulayo dareenkaas ayaa sannadkii 1970kii waxaa xoogeystay dhaqdhaqaaq halganeed oo ay hormuud ka ahaayeen dhallinyaro mutacallimiin ah oo kala joogay gudaha ogaadeenya iyo dibaddaba, waxayna arrintaasi horseedday in xeryo tababar laga furo gudaha soomaaliya laguna xereeyo dhallinyaro badan oo horay u la¡¯aa waddo ay u maraan meel marinta iyo qaabeynta xaqa shacabkooda.
Lasoco Qaybta 2aad
WQ. Daahir Maxamed Cali (Baasto)
Koonfur Africa (June 30, 2003)



