Tafsiirka
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
OHRC
VOA 16 pm GMT
VOA 17 pm GMT
BBC SOMALI
11:00 - 11:15
14:00 - 14:30
16:00 - 16:15
18:00 - 18:30
World News
Reuters Dailly
IRIN Dailly
Somali. Dailly
Daily Nation of Kenya
East African Standard
Audio
Somali Sites
Allpuntland.com
Puntland News Media
Aminarts.com
Banadir Software
BBC Soomaaliya
Dayniile
Dar-alnur.com
Jigjiganet
King-has.com
Hiiraan Online
HornAfrik Online
Kenyan Somali
Malayko Online
Markacadey.net
Ogaden Human Rights
Ogaden Online
Ogaden Student
Ogaden War 1977-1978
puntlandnewsmedia.com
Qaadisiya
Qaranimo.com
Radio Xoriyo
Shabeelle
SomaliTech.com
Somali Irrigation
Somalitalk.com
Somali Weyn
Somaliwide.net
Safaritravels
Somaliantv
SomaliUK.com  
The Ogaden Road  
Wabishabeele
Wardher Online
 
 

Taxanaha Taariikheed ee Ogaadeenya.


QAYBTII 1aad
HORDHAC

Taariikhdu waxay leedahay muuqaal bannaan yaal ah oo ka hadla dhacdo maalmeedka dowladaha, sooyaalka qarniyadii tagay iyo muuqaal qarsoon oo ah fiirada iyo aragtida dhabta ah ee noolaha iyo ogaalka qaabka dhacdooyinka.

Sida aan la wada soconno gumeystayaashii reer yurub ee qabsaday qaaradda afrika waxay ka gumeysteen dhinacyada dhaqanka, dhaqaalaha iyo aqoonta, arrintaas oo ah furaha dib u dhaca maanta jira. Kaddib markii ay iska hor yimaadeen danahoodii gumeysi ee qaaradda ay kalahaayeen dowladihii reer yurub waxaa dhexdooda ka dillaacay colaad muuqata oo sababtay labadii dagaal ee dunida soo martay, geystayna burbur naf iyo maalba leh. Dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida sannadkii 1945kii waxaa billowday halgan ay hormuud ka yihiin dadyowgii dulmanaa ee la cadaadin jiray, ujeedadiisuna ay ahayd in ay iska qaadaan dulmiga lagu hayo. Halgankaas oo sababay in ay xayndaabkii gumeysiga ka baxaan ummado badan, gaar ahaan afrika waxaa sameysmay maamullo ay si muuqaal ah gacanta ugu hayaan hoggaamiyeyaal kasoo dhex baxay bulshadii soo halgantay. Madaxdii cusbayd ee afrika waxaa markiiba soo food saartay culeys ka dhashay xuduudihii lagu kala qaybiyey dadyowga qaaradda kaddib markii shucuub badan la raaciyey kuwo kale oo ayna wadaagin dhiig iyo dhalasho toona, arrintaas oo hor joogsatay horumarkii la gaadhi lahaa kana dhigtay madaxdii shucuubta afrika kuwo ay tabartoodu yartahay.

OGAADEENYA QAYBINTII AFRIKA KADDIB

Dadka soomaalida ah ee ku dhaqan ogaadeeniya oo ka mid ah ummadaha uu sida gaarka ah ugu xadgudbay sharciga kala qoqobka dadyowga isku isirka ahaa ayna gumeysato itoobiya waxay soo galeen walina ku jiraan halgan ay ku doonayaan xaqooda oo ah in ay iyagu aayahooda maamulaan, halgankaas oo ay horseed ka ahaayeen ururradii Nasrullaahi, Jabhaddii xoreynta ogaden (OLF) iyo xisbigii xoreynta Soomaali galbeed. Ururradaas oo dhammaantood ahaa kuwii sababay taariikh ahaan dagaalkii dhex maray dowladdii da¡¯da yareyd ee soomaaliya iyo boqortooyadii xayle salaase ma ayna noqonin kuwo ku guuleystay ujeedadooda, wuxuuse jiritaankoodu raad aan go¡¯aynin ku reebay quluubta bulshada, ururradaasina waxay jireen intii u dhaxeysay 1948kii ilaa 1964kii.

Lagasoo billaabo sannadkii 1964kii wixii ka danbeeyey dowladda soomaaliya oo saldhig u ahayd halganka soomaalida ogaadeeniya ku dhaqan waxay si heer hoose ah ula dhaqmeysay geeddisocodka halganka, taas oo ay sabab u ahaayeen culeysyada kaga imaanayey afrika iyo caalamka kalaba, hase yeeshee isbaddalkii siyaasadeed ee ka dhacay soomaaliya 21kii Oktoobar 1969kii ayaa soo nooleeyey dareenka dadka kaddib markii dowladdii dhalatay ay mabda¡¯ ka dhigatay qoraalladeedana ku caddeysay in ay taageereyso qaddiyadaha dadka soomaalida ah ee dulman. Iyadoo laga duulayo dareenkaas ayaa sannadkii 1970kii waxaa xoogeystay dhaqdhaqaaq halganeed oo ay hormuud ka ahaayeen dhallinyaro mutacallimiin ah oo kala joogay gudaha ogaadeenya iyo dibaddaba, waxayna arrintaasi horseedday in xeryo tababar laga furo gudaha soomaaliya laguna xereeyo dhallinyaro badan oo horay u la¡¯aa waddo ay u maraan meel marinta iyo qaabeynta xaqa shacabkooda.

Lasoco Qaybta 2aad

WQ. Daahir Maxamed Cali (Baasto)
Koonfur Africa (June 30, 2003)

 
 
 
 
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright � 1999 - 2011, All rights reserved. Qorahay Online