Tacsi Ayeeyo Canbaro Sheikh Dayib oo jidh-dil ay Hawaarintu u gaysteen u geeriyootay

Friday, December 1, 2017       Views
Spread the love

Innaa Lillaahu wa innaa ilayhi raajucuun waxaa geeriyootay ayeeyo Canbaro Sheikh Dayib Xaaji Barkhadle oo ahayd waayeel a100 jirta islamarkaasna xiskeedu uusan taam ahayn curyaanna ahayd, sida ay ehelka marxuumadu sheegeen habeen hore ayay kooxda dadqalatowday ee Hawaarintu guriga ay Jigjiga ka daganayd kala bexeen si arxan daro ahna ay u jidh dileen.

ayeeyotacsi

Goor dhawayd ayay naf baxday Ayeeyo Canbaro oo xilligan uun dhiman lahayd balse kuwo ayaan daran sagu sababay sida la sheegay ayeeyo Canbaro sanado ka hor ayayuu xiskeedu doorsoomay, xurmo & in duco lagala hadho ayay mudnayd waase ayaan daro in iyadoo da’daas joogta ay rag hooyooyin dhaleeni jiijiidaan gacantoodana lagu sababay ma aha arrin cusub waa uun caadadii gumaysiga & kooxda baraha dheeraatay ee dhiiga shacabka ku nool lagu yaqaanay.

Damiir xume Cabdi Iley kooxda wxuu horjooge u yahay kooxda ugu ayaanka daran xiliganna dhinac walba dab kaga hurayo falka ay ayeeyo Canbaro ku dileena wuxuu muujinayaa fulaynimada & hoosaynta caqliyada nimankaas, mudo dheer ayay kooxdan bahalwday shacabka aan waxba galabsan waxyeelooyin ku soo ahyeen balse xilligan inay sii wadaab waa calaamad kale oo muujinaysa sida ay dunuubta u sii badsanayaan.

Habada Qorahay Media waxay tacsi u dirayaan dhamaan ehelka ayayeeyo Canbaro ka baxday waxaanan ilahay ka baryyanaa unuu qabrigeeda guri janno uga dhigo kuwa sabab geerideeda u noqdayna waxaan leenahay wada intaad jariimo awoodaan geeri wax ka dambeeya oo aad dadka gaadhsiin kartaan ma jiro,  geeridu waa lama huraan & halkii noloshu ay ku dhamaanaysay

Qorahay Media

533 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]