Ubadka looma barbaariyo inuu iska weynaaddo ee sida Fartuun Qalbidhagax iyo Mrs Julie’s Sanders ayaa loo barbaariyaa by Mujahid Shiekh

Warar

Markaan dhuuxay faalada walaashay Fartuun waxaa markiiba igu soo dhacday ama xasuus Iggu reebtay gabadh maalin dhaweyd soo saartay buug aduunka kaga yaabiyay waa Julie’s Sanders, geesinimada, xilkasnimada fahanka danta guud iyo samirka adag ee ay dooneyso iney ku sii noolaato, hamilada iyo hayaannka dheer ee xoriyada loogu jirro xog arruurinta iyo xasuus reebka wax tarka uleh jiilasha maanta jooga iyo kuwa dhalan doona keydinta dhacdooyinka xiisaha iyo murugada iskugu jirra.

far

Hadii maanta sooyaalka taarikh ee halgame abdikarim sheikh muuse loo badallo afafaka aduunka isla markaana turjumaad lugu sameeyo marxaladii uu soo maray dulmane Abdikarim Sheikh Muuse, waxan hubaa innuu noqon lahaa ama buugaasi lugu tilmaami lahaa buuga aduunka ugu saameynta badan halgame Abdikarim Sheikh Muse, wuxuu ahaa masuul goob joog u ah dhacdooyin aysan maareyn karin kuwa cadowga ugacan galiyay.

Faalada walaashay Fartuun waxay si shaqsiyan ah iggu reebtay ama ka fahmay iney isku duruuf ka wada hadlayaan Julie’s Sanders, Mrs Julie’s waxay ku soo barbaartay goob aysan joogin waalidkeed Aabaha dhalay iyo hooyada iska dhalay Mrs Julie’s, waxay xabsi dheer kaga jireen dalka Australia gaar ahaan Perth.. Waa Irish Republican.

Waxay aaminsanaayeen iney xoriyad helaan shacabka dhulweynaha Irish Aabaheed iyo hooyadeed waxaa loo taxaabay dhul aad iyo aad u fog kana fog goob aysan usocdaali karrin goob aysan xidhidh la sameyn karrin, goob aysan heysanin xoriyad ay ku tagto. buugta iyo dhacdooyinka Irish Republican, waxay la mid yihin dhacdooyinka maalinle ee walaashay Fartuun ka faalootay waxaan hubaa walaashay Fartuun Abdikarim Sheikh Muuse iney ka mid tahay kuwa tirada yar ee doonaya iney mustaqbalka fog iyo xiliga lugu jiraba soo gudbin doonto waayaha la soo maray iyo kuwa aan laga war heynin ee murugada, xasuusta, goobta iyo maalintuba leh.

Ubadka looma barbaariyo inuu iska weynaaddo ee waxaa loo barbaariyaa sida walaashay Fartuun Abdikarim Sheikh Muuse iyo sida Mrs Julie’s Sanders.!

W/Q Mujahid Sheikh Ibrahim

1,322 total views, 0 views today

Share
Warar
Hadalada beerlaxawsiga ah ee ururka ONLF lagu dhaawacayo yaa aad u lalinaya.

1. Danayste mudo badan halganka ka soo horjeeday oo jigjiga laga soo caydhiyay mudo badana Cabdi Ileey amaani jiray. 2. Shacqi Urur kale taageersanaa oo baroorta ku darsanaya oo ah Oohintu Orgiga ka weyn kana xun wadahadalka Itoobiya & ONLF. 3. Kuwo mudo badan uu gumaysigu carbinayay oo hadii Ogaadeenya …

2,094 total views, 0 views today

Share
Warar
Dhagayso Barnaamijiika Marxaladaha halganka heerkiisa 2aad by Safiya Cabdi Rude

Waa barnaamijii Marxaladaha halganka heerkiisa labaad. Guuldarada nidaamkii jiray. Bill wuxuu sheegay in Halganka heer kiisa labaad uu guuldaraysto nadaamkii jiray, inkasta oo heerka labaad yahay guuldarada barnaamijkii jiray hadana Bill wuxuu ku daray hadalkiisa inkasta oo qaabkii wax u socdeen uu yahay qaab lagu qasaaray hadana dadka kama hor …

2,552 total views, 0 views today

Share
Warar
Dhagayso Duljoogso: taariikhda foosha xun ee Ethiopia & beenta ay reer galbeedku u dhoodhbeen Q5aad

Xilligii Solmon xabashiduu waxay dishey  Saburdiin oo hogaaminayay dowladii Awdal dilkaas kadib waxaa xukunka qabtey  Shahaabudiin Axmed Beddel wuxuuna hogaamiyay dagaalo adag oo lagala hortgey cadowga, dulaanadii u qaadey Shahaabudiin Axmed Beddel mid ka mid ahaa ayuu ku dilley boqorkii xabashida ee Solmon la odhan jirey. Sida u sheegayo  buugga …

2,775 total views, 0 views today

Share