|
Hobollada Waaberi Iyo Halganka Ogadeeniya
Habeennimadii Sabtidii ay taariikhdu ahyd November/2/2002
ayaa waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka
Minnesota e waddanka Mareykanka lagu qabtey
xaflad loogu magacdarrey Habeekii Waaberi Iyo
Halganka Ogaadeniya.xafladdas oo uu soo qabanqaabiyey
xafiiska Ogaden-American Community ee magaalda
Minneapolis waxaa lagu qabtey qolka shirarka
ee loo yaqaano Sabatani Community Center,oo
ku yaalla koonfurta magaalada Minneapolis
Waxaa xaflada lagu furay qoraal ka hadlaya
xaalada ka jirta waddanka Ogaadeenya oo ay soo
jeedisey Hodan Ducaale,(Riix Magaca) oo ah ardayad,Qoraal
kale oo ay si wada jir ah u soo jeediyeen laba
wiil aa la kala yidhaahdo Hirsi Axmed Iyo Xirsi
Kaariye (Riix Magaca),Iyo Gabay Ingiriis ah
oo ay akhriyeen gabdhaha kala ah Idil Cabdullaahi
Ducaale (Riix Magaca)iyo Nimco Cabdi Cali Abshir(Riix
Magaca)
Waxaa hadal kooban ka jeediyey Qareenka sida
aadka ah looga yaqaanno magaalada Minneapolis
Attorney P G Robbichuad oo u muujiyey shacabkii
soomaaliyeed ee halkaasi isugu yimid inuu aad
uga xunyaay dhibaatada lagu hayo shacabka Ogaadeeniya.
Attorney PG oo labbisnaa funaanad ay ka muuqato
Maapka iyo calanka Ogaadeniya wuxuu gobtaas
masuuliyiinta jaaliyada Ogaadeeniya ku
guddonsiiyey deeq dhaqaale oo ugu deeqay qaddiyada
shacabka Ogaadeeniya. Waxaa iyana xaflada ka
soo qayb galay deeq dhaqalena halganka ugu deeqay
qareemada kala ah Ronald J Theiler iyo Dr.Ronald
S.Msh oo dadka ka caawiya dhibaatada ka soo
gaadha shilalka baabuurta.
Waxaa billabantey qaybtii aadka loo sugayey
ee xaflada oo ahayd hoboolada waaberi. Waxaa
ay xaflada ku furen heesta Calanka Ogaadeeniya.
Oo uu allifey abwaanka caanka ah e Maxuud C/laahi
sigub. Kadib heesta calanka waxaa billaabantey
riwaayad uu sameeyay Singub oo loogu magic darey
Aan Is Fahanno oy ka qayb qaateen
hobollada kala ah
Maxamuud C/Laahi Singub
Mustafa Kiiko
Miiraale
Cadar Axmed Kaahin
Hibo Maxamed (Hiba-Nuura)
Salaad Maxamed shardi ( Salaad Darbi)
Khadiijo Bokhran
Iyo DJ Barkhad
Waxaa goobtaas ay fanaaniitu ku so bandhigeen
riwaayad aad loogu bogey oo ay ka soo qayb galeen
tiro laba jeer ka badan dadkii loogu tala galey.
Heesaha goobta ku cusbaa ee aadka dadku uga
heleen waxaa kamid ahaa Hees uu sameeyey erayadeeda
Maxamed Qamaan laxakeedana Mustafa kiiko oo
la yidhaahdo Bar-baar baan ka sugayaa oo ay
si wada jir ah ugu luqeeyeen Khadiijo Bokhran,
Mustafa Kiiko iyo Miiraale Sidoo kale waxaa
si aad ah loogu riyaaqey heestii caanka ahayd
ee Qabri Daharre anaa iska leh o ay dhawr jeer
halkasi ka qaadey Hiba-Nuura. Waxaa halkaasi
heesihiisii hore oo aad loogu bogey ka qaadey
Salaad M Shardi [Salaad Darbi]. Sidoo kale fanaanka
dada yar ee Miraale ayaa isna heeso si
aad ah looga helay goobta ka ciyaarey.
Qaybta xigta ee dadku sida aadka ah ugu riyaaqeen
waxay ahayd dhaanto ay soo bandhigeen dhalinyaro
wiilal iyo gabdho isugu jira oo uu hor kacayey
abwaanka dada yar ee Yuusuf-Raan Cabdi
Xaaji. Dhinaca kalena waxaa gabayo aad dadku
ugu bogeen soojeediyey Abwaan Maxameed C/laahi
Singub.
Xaflada waxaa ka soo qayb galey dhamaan bulsha
weynta Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo
aan habeenkaas ka hor goob isugu iman tiro intaas
la eg . Waxaa goobta xafladau ka dhacayso
lagu gadayey funaanado, musawiro, Koobab , Calanderka
taariikhda laga eegto iyo farshaxanno kale oo
dhamaantood ay ka muuqdaan astaamaha waddanka
Ogaadeeniya. Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka
Minnesota waxay habeenkaas muujiyeen taageerada
ay u hayaan halganka shacabka Ogadeeniya uu
ugu jiro xorriyaddiisa. Waxaa masraxa fannaaniintu
taagnaayeen hadheeyey dad qiireysan oo sitaey
calanka shacabka Ogaadeeniya iyo astaamaha Jabhada
Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya.
Jawiga xafladu wuxuu ku billawdey si nabad
galyo ah wuxuuna ku dhamaadey si asluub leh.Waxaa
dadka caawinayey oo goobta ka adeegayey xubnaha
Ururka Dahalinyarada Ogaadeeniya ee Waqooyiga
America.
Waxay masuuliyiinta jaaliyada Ogaadeeniya dadka
Soomaaliyeed ee qaatey jinsiyada Mareykanka
kula taliyeen inay doorashada dhacaysa November/5/2002
codkooda siiyaan musharaxa xisbiga Dimoqraadiga
; Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Mareykanka
Walter Mondale oo u tartamaya kursigii uu dhawaan
ka geeriyodey Senator Paul Wolestone.
Shariif Dheere
Ogaden Online
Minneapolis. U.S.A.
|