|
Sep, 2006 (QOL)
Maamulka goboleedka Puntland ayaa beenisay in ay kulan wada
yeesheen madaxweynaha dowlad goboleedkaas Cadde Muuse Xirsi
iyo gudoomiyeha golaha maxaakiimta Soomaaliyeed Sheekh Shariif
Sheekh Axmed.
Maxamed
Axmed Dirir (Duceysane) oo ka mid ah mas'uuliyiinta Puntland
ayaa maanta saxaafada u sheegay in aysan waxba ka jirin
warar maalmihii la soo dhaafey so baxay oo sheegayay in
dalka Imaaraadka carabta ay dhowaan ku kulmeen madaxweynaha
Puntland iyo gudoomiyaha golaha maxaakiimta.
Wuxuu
sheegay in aysan jirin wax qorshe ah oo ku saabsan kulamo
ay mamaul goboleedka Puntland mas'uuliyiinteeda la yeeshaan
golaha maxaakiimta, isaga oo tilmaamay in cadde Muuse u
tagay Imaaraadka arrimo gaar ah Puntland.
Beenintan
ayaa ku soo aadey iyada oo maalmihii la soo dhaafey ay saxaafada
hadal heysay kulan la sheegay in ay dalka Imaaraadka ku
qaateen gudoomiyeha baarlamaanka Shariif xasan, gudoomiyeha
golaha maxaakiimta iyo madaxweynaha Puntland.
Dabo-Geed oo Abaabulo dagaal
ka wada xuduuda Hiiraan iyo maxkamadaha oo sheegay in uu
weerar ku soo yahay.
Warar
laga helayo magaalada Balad-weyne ee xarunta gobolka Hiiraan
ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto cabsi dagaal, iyada
oo ay jiraan warar sheegaya in deegaano ku dhow dhow gobolka
Hiiraan oo dhinaca xuduuda ah ay ka socdaan abaabulo ciidamo.
wararka
ayaa sheegaya in ay jiraan cabsiyo ku aadan in gobolka Hiiraan
gaar ahaan Baladweyne uu duulaan ku qaado gudoomiyihii gobolkaasi
Yuusuf Axmed Hagar (Dabo-geed) oo sida la sheegay wada qaban
qaabo ciidan.
Madaxda
golaha maxaakiimta ee gobolka Hiiraan ayaa qiray in ay jiraan
abaabulo dagaal oo uu wado Yuusuf Dabo Geed,kaasi oo ay
ku eedeeyeen in uu gacan ka helayo dowlada Itoobiya oo maxaakiimta
ay si weyn u eedeeyaan.
Ma
jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Yuusuf Dabo-geed
kaasoo ku saabsan xilliga lagu wado inuu dagaal ku soo qaadayo
dhanka Degmada Baladweyne oo ah xarunta Gobolka Hiiraan.
Dhanka
kale, waxaa jira warar sheegaya in Dabo-geed iyo xubno kale
oo ka tiran maamulkii isbahaysiga oo wada abaabullo dagaaleed
oo ay ku soo qaadaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe
oo ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha is bahaystay.
Mohamed Ali MAdka
Qorahay, Muqdisho
mogmedia@globalsom.com
|