Warbixin kooban xaalada Ogaadeenya xilligan waa sidee?

Warar

Xaalada guud ee dadka & dalka Ogaadeenya xiligan waa mid wanaagsan oo marka laga eega dhanka cimilada roobka guga ayaa meelo badan si wanaagsan uga biyo dhigay xareeda ayaa wadhan waxaa buuxsamay meelaha biyo qabadka ah sida Wabuga, Tigiga, Laagaha, Farqaha, Baliyada, Waraha & Baraagaha, waxaa isu jiibinaya Raha & shinbiraha awrta ayaa doobyaysa orgiduna way laaqinayaan waxaana la dareemayaa jawi aad u dagan oo sanado la soo maray ka nasboon kana nafisan alxamdulullaah, dadwaynuhu tacab ayay u dhaqaaqeen nin waliba wixii uu gugan ugaga faa’iidaysanlahaa ayuu ku hawlanyahay bar xoolaad & beerba xanaano ayay haystaan oo waa xilligoodii.

Waxaa dayacnaya oo aan sida ay ku haboontahay looga faa’iidaysanaynin biyaha buuraha sare ka soo rogmanaya oo intooda ugu badan Togaga ku daraya kuwaas oo hadii dalku dawlad leeyahay siyaabo kala duwan looga faa’iidaysanlahaa arrintanina waa mid ka jirta gud ahaan gayiga Soomaalida, xilli roobaadka waxaa dhacda in biyahaTogagu ay dadka waxyeelooyin u gaystaan halkii ay wax badan tari lahaayeen waana dib u dhacyada guud ahaan Soomaalida haysta.

Waxaa iyadu sideedii ah hagardaamada gumaysiga dadkana waa la iska xidhxidhaa lana jidh dilaa boobka hantida dadwuynuhu waa wax wali Ogaadeenya joogto ka ah waxaa jirta cuna qabatayn dhanka maceeshada ah waxaana cidhiidhi ku jira ganacsiga oo dad kooban loo xidhay taasina waxay abuurtay sicir barar & cunno yaraan baahsan, isusocodka gaadiidka & ganacsiga Ogaadeenya & Soomaalida kale ma sahlana waxaana ka jirta caqabad weyn & cashuur xad dhaaf ah oo gaadiidlayda Soomaalida ah dusha laga saaro taasina waxay sii yaraysay isu socodka dadweynaha shacabka Ogaadeenya & Soomaalida kale.

Dhinaca kale Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (CWXO) ayaa wada dardar hor leh oo ay sare ugu qaadayaan hawlaha halganka waxaana dhaqdhaqaaqooda si weyn looga dareemayaa guud ahaan dhulka Ogaadeenya waxaana aad hoos ugu dhacay hawlgalada ciidamada gumaysiga Ethiopia ee gudaha Ogaadeenya, waxaa Ogaadeenya si wayn looga dareemayaa culayska baahsan ee gumaysiga fuulay & isbadalada socda oo si aad ah shacabka Ogaadeenya u yididiilo galiyay waxaana isasoo taraya dareenka ku aadan isfaham la’aanta gumaysiga dhexdiisa ka oogan oo ay shacabku dhagodhagaynayaan sidoo kale xaalada Abiy Axmed ayay dhamaan qowmiyadaha gumaysiga ku hoos jira oo ay qowmiyada uu ka soo jeedo ee Oromo ugu horeeyaan ay calaamad su’aal saareen.

Inkasta oo dhibka gumaysiga in badan oo kamid ah uu sidiisii yahay hadana waxaa muuqad isbadal dahnka quulbta & dareenka bulshaad ah waxaana sii kordhaysa rajada ay marwalba shacabka Ogaadeenya ka qabaan nasri ay Allaah SWT ka sugayaaan, shacabka Soomaalida Ogaadeenya waa dad sabbir badan dulqaad leh islamarkaasna ilahay ku kalsoon oo hanweyn gumaysiguna dhib nooc walba wuu u gaystay balse ma jirto wax faa’iido ah oo uu ka helay cadaadinta & waxyeellaynta dadka nugulka ah ee aan isdifaaci karin.

Ma jirto xaalad hal nooc ah oo nooluhu uu ku sugnaado waxaana xaqiiqo ah in cidii dhib dhadhamisa kuna sabbirta ay sari helayaan nasriga Allaahna waa mid adoomaha u dhaw sidaas daraadeed shacabka Soomaalida Ogaadeenya waxay xilligan dareemayaan dabayshii nasriga waxayna sugayaan guusha kama dambaysta ah ee ay u soo dhabar adaygeen, maalmihii cadaabka ahaa ee shacabka Soomaalida Ogaadeenya ay soo mareen waxaa laga bartay waayo aragnimo badan waxaanan odhan karnaa gumaysiga laftiisa ayaa shacabka Ogaadeenya wax badan ka bartay cashirada uu gumaysigu Ogaadeenya ka qaatayna waa kuwo taariikhdu ay kaydinayso oon tirtirmaynin inta ay dunidu taagnatahay.

Isku soo wada duuboo waa lama huraan in la sii xoojiyo baadi goobka gobanimada dadka & dalka Ogaadeenya isbadal kasta oo la dareemana waaa in ay jirto khibradaha ku lamaan oo lagu hawl galo, shacabka Ogaadeenya xilliyo badan ayaa soo maray waxayna diideen keenada gumaysiga maantana waxaa la siman fursado haboon oo ay ugu horayso in sida saxda ah loo wada fakaro lana kordhiyo dadaalada lagu doonayo gaadhida gobanimada ilahayna waxaynu ka baryaynaa inuu khayr oo dhan inna waajafiyo guushana inna siiyo

Qorahay Media

7,502 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,440 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,927 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,547 total views, 0 views today

Share