Warbixin: Ogaadeenya xareedaa wadhan xaalada gunysiguse isma badalin

Warar

Warbixin kooban oo hawladeenka Qorahay Media gudaha Ogaadeenya ka soo diyaariyay waxay sheegaysaa raxmaadka eebbe inuu si fiican u biyo dhigay, waxaa la xaqiijiyay inuu dhulka Ogaadeenya dhamaantii roobka gugu si siican u helay aadna waa loogu diirsaday.

Farxada roobka oo iskeed xilligan oo kale isaga timaada ayaa aad loo dareemayaa xareeduna dhulka oo dhan ayay wadhantahay, waxaa baalka isasaaray ubaxyada kala duwan oo hoorimaadka roobka horba dhirta ka soo booda indhaha & qalbigana noolaynaya,  waxaa isu yeedhaya codadka xaywaanaadka kala duwan oo ay xoolaha la manaafaacaadsado koow ka yihoon.

Dadku allaah ayay mahad balaadhan u celinayaan tacabna way u dhaqaaqeen mase walaac la’a oo waxay qabaan cabsida gumaysiga waxaana jira cidhiidhi dhanka isu socodka ah oo dadku aad uma kala war hayaan, sidoo kale ganacsiga Ogaadeenya oo aan xor ahayn ayaa haddana looga sii daray kadib markii dad kooban loo xidhay taasina culays ayay nolosha bulshada ku tahay.

Dhinaca kale xaalada cusub ee gumaysiga Ethiopia galay aadbaa Ogaadeenya looga dareensanyahay balse si toos ah bulshadu ugama hadli karaan, waxaa xabsiyada sidii ugu jira dadka xaqdarada lagu xidho oo aan maxkamad cidi gaynin hantida dadweynaha waa la boobaa oo askarta gumaysiga &  kuwa dhidid dhowka u ah (Hawaarinta) waa u xalaal in kastoo ay awood ahaan diciifeena shacabka dhibaato way u gaystaan.

Socdaalkii Abiy Axmed uu Ogaadeenya ku yimid wax macno ah shacabka uguma fadhiyin mana jirto wax uu ku soo kordhoyay & wax uu ka qafiifiyay midna, shacaba Soomaalida Ogaadeenya ee geesiga ah waxay ku hoos jiraan caddaadiaka gumaysiga manaxaanka ah waxayna gaws dambeedka ku haystaan sabbirka ay maalmo badan oo khadhaadh kaga soo gudbeen nasri dhaw ayayna rajaynayaan.

Qorahay Media

 

 

 

25,052 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,427 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,914 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,534 total views, 0 views today

Share