Warbixin: Sida Liibiya dadka loogu kala iibsado Ogaadeenya ayay ka jirtaa

Sunday, December 3, 2017       Views
Spread the love

Dhulka Ogaadeenya waa dal baaxad ahaan 10 wadan oo qaarada Eurupe ku yaala ka weyn tirada dadka Ogaadeenya waxaa lagu qiyaasaa 10 million hadaba dadka intaas leeg & dhulka baaxadaas leh waxay mudo dheer ku hoos jiray gumaysiga Ethiopia ee xilligiisu gabaabsiga yahay, marka dal gumaysi haysto waxaa meesha ka baxaya garsoo, cadaalad, dhawrida xuquuqda insaanka & dhamaan waax ay dadku xaqa u leeyihiin.

jeell

Askariag Ethiopian-ka ah ee Ogaadeenya jooag waxaa la siiyay awood uu wuxuu isagu jeclaadu ku samayn karo xumaankasta oo uu sameeyana ma jiro wax xeer ah oo qabanaya sharcigiisu waa qoriga uu sito, shacabka Ogaadeenya waa la iska dilaa, xidhaa, boobaa, baro kiciyaa la faro xumeeyaa intaas iyo in kale oo badan nolosha caadiga ah shacabka Ogaadeenya ayay kamid yihiin.

Waxaa dadka Ogaadeenya lagu xidhaa waxyaalo aad yaab u leh siad inuu ruuxu idaacadaha caalamka dhagayso oo Ogaadeenya dabi ka ah saxaafad madax banaan oo si cad awx u soo atbisa waa laga mamnuucay balse idaacadaha  dhagaysigooda dadka lagu dhibaateeyaa, ruuxa Ogaadeenya ku nool wuxuu xabsi daa’im ku mutaysan karaa daawashada TV-yada caalamiga ah siad TV ga Eriteria mana jirto awx xuquuq ah oo shacabka Ogaadeenya loo ogolyahay haba yaraatee.

Hadaba hadaad mudooyinkii dambe warbaahinta caalamka ku arkaysay dad ka sida adoonsiga Liibiya loogu kala iibsado waxaysan wartbaahinta caalamku ka war haynin in uu kala iibsigaasi Ogaadeenya ka jiro, xabsiga ciqaabta (Jeel Ogaadee) ee magaalada Jigjga ku yaala dadka lagu xidho waxaa ka caan baxay in dadka lacag baad ah looga qaado qalbigaaga ayaanu ka shakinay.
Shacabka Ogaadeenya in la dilo oo ay dhintaan waxaa ka xanuun badan in loo bah dilo si ay u ogolaadaan dulmiga qofka la arko isagoo nolol maalmeedkiisa la soo baxaya ayay gumaysiga & kuwa u adeegaa rarka dul dhigtaan, dadka marka la doonayo xidho waxaa lagu bilaaba ahandaadaad & cago juglayn waxaana lagu yidhaahdaa waxkale ayaa kaa dhex guuxaya eraygaasi waa furaha duulaanka qofka lagu qaado.
Qofka qiimaha u go’an ee lagu balanayo waa 6 kun oo dollar oo madax furasho ah kadib marka lagu eedeyo wax aan jirin oo la doonayo in dhiigiisa & maalkiisa lagu banaysto ruuxa aan lacagtaas heli karin Jeel Ogaadeen ayuu galayaa wuxuuna mutaysanayaa wax kasta oo bani aadamka dhibaateeya, waxaa daafaha caalmka u kala fiigay dad lacagahaas lagu soo furtay oo wax badan Jeel Ogaadeen ka og waana dhaqan si caadi ah u jira oo lala qabsaday.
Qorahay Media
 

271 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]