WAXAAD MAANTA DAN MOODO OO BARRI KUU DARANBAA JIRA

Warar

Federal iyo waxa loogu yeero is maamul goboleed maslaxo uma aha ummadda soomaaliyeed,waa fikir soo galooti ah oo loogu talo galay in dhibaatada dadka Soomaaliyeed aysan Dhammaanin, mar walbana ahaato xaalad waji cusub loo Sameeyo Si aysan meesha uga bixin ama usoo af jarmin danaha lagu naas nuujinayo dadyowga kale.

images (11)

Qaar badan ayaa maanta u arko nidaamkan mid hor seedi Karo wanaag ay gaarto ummaddu.laakiin waxa uu noqon Doonaa mid abuuro sii kala fogaasho iyo jiritaanka qaranimo Oo ku laalmo geed dheer oo aan laga soo dajin doonin.

Way muuqataa in dagaal lagula jiro dowlad awood leh oo uu Yeesho shacabka soomaaliyeed,kaas oo ay fulinayaan Dowlado badan oo caddaan iyo Madwba isugu jira. waxa la Adeegsanayo waxaa kow ka ah nimanka ay u xiranyihiin Lixda gobol.tusaalana waxaan usoo qaadan karnaa.

Waxaa baaqday shirkii labada aqal sabab aan la caddaynin. Waxaana mar iyo labo hadda dib u dhacay kulankii ay ku Baaqday dowladda dhexe,intubana waxa ay ka socon La’yihiin nimanka aagagga xirtay dadkana kala gaynayo.

Waxaanse hadalkayga kusoo koobayaa:
Qof walbo oo waddani ahaw is weydii umuuraha dalka iyo Dadka dhanka ay u socdaan iyo halka ay ku danbayn Karaan.

W/Q Daahir Màxamed Cali (Baasto)

250 total views, 0 views today

Share
Warar
Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal. Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne …

4,593 total views, 0 views today

Share
Warar
Yaa Masuul Ka Ah FashilkaIyo Fowdada Dowlada Farmaajo? Wax Ka Ogow

Dad badan ayaa la yaaban isbedallada iyo fowdada ka dhex jirta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Masuuliin Badan Xilka zlaga Qaaday Halka Ay Qaar Kale Iyagu Iska Casileen Xilalkoodi Xogta aan helnay ayaa caddeneysa cidda qaska ku haysa dowladda Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin …

5,050 total views, 0 views today

Share
Warar
Alshabaab Oo Wadada U Galay Ciidamo Koonfur Galbeed Ka Tirsan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur …

5,453 total views, 0 views today

Share