Waydiinta Qorahay Media: Halgamaagu goormu dagaalka gumeystaha ka nastaa

Warar

Qormada waydiinta Qorahay Media waxaanu kusoo qaadanaa su’aalo kala duwan oo khusaya dhinacyada Aqoonta, waddaniyada, kuwo khuseeya hooseynta gumaysiga Ethiopia & colaada soo jireenka ah ee somalida & Ethiopia ka dhaxaysa, sidoo kale waxaanu kusoo qaadanaa weydiimo & jawaabahoodii oo wada socda kuwaas oo fariin u diraaya maanka akhristeyaasha QM ku xidhan haddaba waydiinta Qorahay Media ee maanta waxaanu idinku haynaa qodob xiiso badan oo ah ” horta halgamaagu goormu dagaalka gumeystaha ka nastaa?.

Halgamaagu wuxuu soo baxa xilliga xaalka bulsho ugu adagyahay waana mar u gumayste haysto dhulkiisa xilligan u halgamaagu soo baxayo waxaa jir dhib la wada arki karo oo gumaystaha ka imanaysa balse lagama wada jawaabi karo dhibka gumaystaha sidaas darteed waxaynu dhihi karnaa halgamaanimadu waa hibo Alle bixiyo, bal aynu soo qaadano  Abwaanada waddaniyad ah ee Soomaaliyeed Rooda Ibrahim C.Gurey (Afjano) oo si farshaxnimo leh u sawirtey in halgamaanimadu inaya y hebo uu alle bixiyo tahay waxayna tidhi

“Halagmaa inaan noqono oon hadaf ku taagnaano
Hibo eebbe iyo waa nasiib oo dadbaan heline
Hangooladuba waynala dhasheen hiirta kacayaaye
Hooyadii nin aan cayminayn waa habaar qabe’e
Halka uu u lumay waxay la tahay hilinkii toosnaaye
Hanuun kaan ilahay u furin wuu halaagsamaye”

Sida uu gabayga Abwaanad Afjano sheegayo halgamaanimadu waa hibo Eebbe wuxuuna ruuxa halgamaaga ahi leeyahay yaabab aad u badan tusaale ahaan markuu uu xaalkisa nololeed ee u gaarka ahi hooseeyo waxaa macquul ah inan doorka uu halganka ku leeyahay laga dareemin, markalena markuu xaalka u adag halganku galo waa markuu ushaqo badanyahay hadiiba ay jiraan meelo banbanaan oo halganka gudihiisa ah isagoon shaqadaas gaar u lahayn ayuu buuxinayaa wuxuuna aaminsanyahay inuu yahay tiirka aasaasiga ah ee halganka.

Isagoo sidaas rumaysan hadana ma manao sheeganayo kumana faanayo ee wuu shaqo kordhinayaa awliba shaqada uu qabanayo ee halganka waa mid uu aad ugu faraxsanyahay waxyna kamid tahay nolol maalmeedkiisa & waajibaadyadiisa joogtada ah ee hor yaala, sharaxaas kooban ee halgamaaga ku saabsana waxaynu ku soo xidhaynaa qoddob yaab badan oo halgamaaga astaamihiisa kamid ah halgamaagu waa ruux ka shaqeeynaya samato bixinta ruuxi isaga dilayay ee gumeystuhu ka kaxeystey dadkiisa kana hor geeyay waayo markasta jidka lagu badbaadayo ayuu ugu dhawaaqaya taasina samato bixinn ayay u dhigantaa.

Nuxurka weydiinta aynu u dhaadhacno’e halgamaanimadu sidaynu sheegnay waa hibo uu Allaah SWT bixiyo hibo kasta oo dhanka Allaah ka timaadana ujeedo durugsan ayaa ka dambaysa wuxuuna halgamaaga rasmiga ahi nasan karaa oo kali ah goorta uu nafwaayo aduunkana ka tago ama goorta la gaadho ujeedadii uu Allaah SWT u siiyay hibadaas oo ahayd in xornimo la gaadhsiyo umada loo halgamayo dhaldhalal kasta oo aduun & badhaadhaha noloshisa gaar ahaaned ma aha kuwo nasin kara halgamaaga dhabta ah balse qiyamka halganka oo laga midho dhaliya oo kali ah ayuu ku nasan karaa

Qorahay Media
qorahay2014@gmail.com

4,896 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo Kooban.

Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo kamid ah Masuuliyiinta Sare ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO ahna Xubin kamid ah Gudiga Jabhadda ONLF u qaabilsan Wadahadalada ONLF & Ethiopia ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeediyay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi …

3,304 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Drs Cibaado Hirsi Mahad Hogaanka Dhaqaalaha ONLF – Shirkii Nairobi.

Hogaanka Dhaqaalaha Iyo Maaliyadda Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO Marwo Drs Cibaado Xirsi Mahad ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeedisay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi oo kasoo qayb galay Xaflad balaadhan oo ay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Nairobi Madaxda JWXO …

3,461 total views, 0 views today

Share
Warar
Cududa ONLF iyo cidhib go’a Tigrayga

Marka aad aragto cududa shacabka halgamaaga ah ee ogaadeniya, .Marka aad aragto hanka iyo doonista sare ee Masuuliyiinta iyo hubnaha ONLF oo saldhigiisu yahay xoriyad iyo aayo katashi Midnimo iyo wadajir .Marka aad aragto hufnaanta iyo bisaylka madaxda iyo kaadirka Jabhada ONLF Waxaad garwaaqsanaysaa in ay maanta jwxo Joogto heer …

6,544 total views, 0 views today

Share