Waydiinta Qorahay Media: Mustaqbalka halganka Ogaadeenya yuu ku xidhanyahay?

Warar

Qormadeena Wadiinta Qorahay Media ee toddobkan waxaynu kusoo qaadanaynaa waydiin war celin kooban leh balse gun balaadhan ku fadhida oo cinwaankeedu yahay “Mustaqbalka Halganka Ogaadeenya yuu ku xidhanyay?, hadaba si kooban ahaydnu jawaabta ugu hormarno mustaqbalka halganka Ogaadeenya wuxuu ku xidhanyay awooda Allaah wax walbana ilahay cid ayuu u xil saraa ama u adeejiyaa waxaana halganka Ogaadeenya ee maanta socda ku suntan cidii awal horeba uu ilaahay solansiiyay inay seeska u dhigaan una dhabar adaygaan oo ah dadka Ogaadeenya, wuxuu ku xidhanyahay cida u dhimanaysa, wuxuu ku xidhanyahay caruurahii u agoontobay & shacabka ilaa manta silica u mudanaaya.

Halganka Ogaadeenya lagu xoraynayaa waa mid saameyn balaadhan & door luxdan ku leh isbeddelka siyaasadda gumaysiga Ethiopia oo waliba saamayn xun ku leh aasaas ilaa fulin hab dadban ama hab siyaasi ah ayuu halganka Ogaadeenya gumaysiga u taabtay, dareenka siyaasiga ah ee halganka Ogaadeenya lagu hogaamiyo waa mid han sare & hanaan tolmooni hagaayo sidaas darteed waa qaybta u balaadhan ee baraaruga dadka Ogaadeenya, dareenka waddaniga ah oo lagu ladhay midka siyaasiga ah ee ONLF wuxuu halganka Ogaadeenya ka dhigay mid boqolkiiba boqol ku xidhan dadka Ogaadeenya ee lagu xoreynaayo.

Ururka ONLF wuxuu ku guulaystay inuu falgaliyo wax kasta oo carqalad & dumin ku ah gumaysiga Ethiopia iyagoo ilaalinaya salka halganka & halka xuduntisa ka guntantay ama uu ku tiirsanyahay oo ah shacabka Ogaadeenya ee xoriyada loogu raadinayo oo iyagana uu qiimo sare ugu fadhiyo oo islamarkaasna aan marnaba dayacayn, hadii  siyaasada halganka lagu hogaamiyaa aysan noocaas ahaateen marxaladaha isbaddela ee cimilo siyaasadeedku khatar ayay galin lahaayeen.

Sikastaba ha ahaatee qormadeena waydiinta Qorahay Media ee toddobkan waxaanu kusoo xidhaynaa mustaqbalka halganka Ogaadeenya wuxuu ku xidhanyahay isla dadkii lahaa oo ah shacabka Ogaadeenya oo la hubo inay ka lib keeni doonan, waxaa xusid mudan in uu halganka Ogaadeenya saamayn wayn oo macnawi ah oo hab dadban & hab toosaba ku timaada kuna fusha ku leeyahay siyaasada gumaysiga Ethiopia balse uu gumaysigu ku guul daraystay dhankiisa inuu ku yeesho saamayn macnawi ah taas macnaheedu waa in gumaysiga hab siyaasi ah looga adkaaday taaso oo ah tiir wayn oo arrimo badan haya.

Qorahay Media

10,304 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,417 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,904 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,524 total views, 0 views today

Share