Xaalka Ethiopia oo marba marka ka dambaysa sii xumaanaya & kacdoonka oo sii karaar qaatay

Thursday, November 30, 2017       Views
Spread the love

Waxaa mudooyinkan dambe soo if baxay burburka & fashilka ku dhacay taliska gumeeysiga Ethiopia oo ay hormuud u yihiin kooxda maafiyada ah ee TPLF oo ah jabhadii qomiayda Tigray ka dhex kacday soona adgaalantay kadibna xukunka loo gacan galiyay, hadaba xasuuqii ay TPLF mudada 27 sano ah shucuubta kala duwan ee shacabka Ogaadeenya ugu horeeyo ku hayeen waxaa kadhashay gadood ay samaynayaan dadyowga la isku jujuubay een waxba wadaagin.

xaalk4xaalk

Waxaa socad kacdoon ooda goostay oo sii xoogaysaanya sidoo kalena xasuuq ayaa shacbak Oromia si gaar ah ugu socad dad badan ayaa lanbadii maalmood ee u dambeeyay askarat Tigreeghu axsuuqeen, wararka qaar awaxy sheegayaan in ciidamaad mulatariga gumaysiga amarbuuxa lagu siiyay inay dadka dibad baxyada wada awood u adeegsadaan balse xaalku wuu dhaafay meel dadka la jujuubi karo talaabo kasta oo ay Tigreegu qaadaana waa mid qodaxda ku sii fogaynaysa.

xalk1xaalk3

Hadaba kooxda TPLF waxay maanta ku baraarugeen xaqiiqo aysan qarin karin waxaana dardaray  duufaan cadhaysan oo xoog badan waxaana soo food saaray walaac xoogan oo ay jiif & joogba la qaban la’yihiin, maanta xaalada Ethiopia waxay taagan tahay in qaybaha kala duwan ee bulshada sida dad ka caan ka ah oo ay ugu horeeyaan fanaaniinta, ciyaartoyga,  dhalinyarada jaamacdaha ay meel uga soo wada jeesadeen waxaana shalay & maanta sii xoogaysanayay kacdoonka u muuqda inuu burburka xiligiisii kama dambaystahaa soo dadajinayo.

Isku soo wada duuboo ciidamada milatariga ayaa magaalooyina qaar lagu sii daayay waxayna isku dayayaan inay kacdoonka is hor taagan farahaana al isula tagay dadka mudaharaadaya oo naf nac ah ayaana wadooyinka gooyay sidoo kale askarta laftooda ayay qaarkood dibadbaxa ku biirayaan, in badan ayaa Ethiopia laga dayrinayay balse maanta ayuu si xaqiiqo ah  burburkeedu u muuqdaa

Qorahay Media

1,134 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]