Xiisadda Masar & Ethiopia oo si weyn u korodhay iyo saameyntay gobolka geeska Afrika ku yeelan karto

Friday, December 1, 2017       Views
Spread the love

Waxaa si weyn sare ugu kacday xiisada dowladda Masar & gumeysiga Ethiopia u dhaxaysa ee biyo xidheenka Abay qaar ka mid ah saxaafada caalamka &b aqoonyahano Afrikaan ah ayaana warbixino & qoraalo kaga hadlaya arrintan,Telefeshanka Aljasiir ayaa warbixin uu ka diyaariyay ku sheegay in shaqada Ethiopia ee biyo xidheenka Abay ay sababi karto biyo yaraan baahsan oo Masar soo foodsarta wuxuuna sheegay in ay arrintaasi dhalin karto inay malaayin Masari ah ay harraad u dhintaan.

egp

Dhanka kale waxaa soo baxday in gumeysiga Ethiopia ka been sheegay qaab dhismeedka biyo xidheenka waxaana la cadayay samayn xun oo Masar ku yeelanayo aqoonyahano kala duwan oo iyaguna arrinkan ka hadlay ayuu hadalkoodu isugu soo biyo shubanaya in ayasn Masar la filayn tanaasul ka samayn doonin iyago ku sababaynaya in nolosha dadka Masar ay ku xidhantahay Wabiga Nile, khuburo Faransiiska ahaa ee baadhayay saamaynta uu yeelano karo biyo xidheeku ayaa beeniyay waxyaalo badan oo gumeysigu horey uu u sheegay gumaysiga wali dhinacisa wax jawaaba ah kama uusan bixin hadalka khuburada Faransiiska ah ay sheegeen.

Haddaba waxaa la is waydiinayaa maxaa ka dhalan kara arrintan biyo xidheenkan murankisu batay dadka u dhuun daloola arrimahana waxay qabaan in dowladda Masar talaabo milatari arrintan kaga jawaabayo, talaabooyin dublamasiyadeed oo loogu gogol xaadhayo talaabadas Military ayay Masaaridu ku hawlanaayeen mudooyinkanba waxaana ruxmaysa dabaysha colaadeed ee biyaha Nile oo Geeska Afrika si aad ah looga dareemayo

Qorahay Media

1,278 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]